Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka Hadlay gunaanadka Wejigii Koobaad ee Kaadh Qaadashada Maroodijeex iyo Togdheer iyo Wada Hadalkii Khaatumo iyo Somaliland

0
327

 “Dadka Deegaankaasi in badan ayay ku jaahwareersanaayeen hadalka cid aan dantooda wadin oo sallaan ka dhiganaya  Xamarna xaalkeeda way arkaan.”Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

 Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon),ayaa sheegay in si nabad gelyo ah oo wanaagsan uu ku soo gebagaboobay wajigii koobaad ee qaadashada kaadhka codbixiyeyaasha gobolada Maroodijeex iyo Togdheer.

Waxaa kale oo uu ka hadlay wada hadalkii Khaatumo iyo Somaliland oo uu tilmaamay in ballan loo qabtay oo xilli loo muddeeyay waxaanu si adag u dhaliilay dad uu sheegay in aanay lahayn hufnaan siyaasadeed oo dadkooda u dan ah isla  markaana ku jaahwareeray wax aan jirin ka hadalkooda iyo fidmo abuurnimo ay dibad wareeg la yihiin.

Wasiirka  oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan,ayaa ugu horrayn isagoo ka hadlaya siduu u soo dhamaaday wajigii koobaad ee qaadashada kaadhka codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland,ayaa yidhi. “guud ahaan labada gobol si nabad gelyo ah ayay uga soo gebagabawday wajigii ee qaadashada kaadhka codbixiyeyaashu inkasta oo meelaha qaar ay gaabis ahayd oo abaartii dalka ka dhacday ay dadka ka hayaamisay deegaanadi ay iska diiwaan galiyeen hadana dedaal badan oo ay dadka deegaanada iyo maamulada  gobolada iyo degmooyinka iyo asxaabtuba ay wada jir uga hawlgaleen dadka badankoodii intii dhawayd waa la soo guray oo kaadhahki way qaateen inta kalena wajiga labaad in ay ku wada qaataan ayaan rejaynaynaa wax dhibaato ah oo ka dhacdayna ma jirto waanan ku hambalyaynayaa guud ahaan dadweynaha labada gobol iyo hawlwadeenadii komishanka Doorashooyinka oo shaqo wanaagsan qabtay.”

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay wada hadaladii kooxda Khaatumo iyo Somaliland halkay ku dambeeyeen,ayaa ku jawaabay. “wadahadaladii Khaatumo iyo Somaliland waa loo balansanyahay muddona waa loo qabtay waanay furmayaan markay ballanta gaadho imikana lama kala maqna  ee waa la iska warhayaa oo xidhiidhkuna wuu jira.”

Wasiirka oo la waydiiyay hadalo ka soo yeedhay siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle oo ku sugan Muqdisho,ayaa ku jawaabay. “Horta in badan Dadka Deegaankaasi in badan ayay ku jaahwareersanaayeen hadalka cid aan dantooda wadin oo sallaan ka dhiganaya  oo wax ay usoo wadaanna aanay jirin middaasna hadda way  ka gudbeen oo xaqiiqadu waxay tahay way ogyihiin xamarna xaalkeeda way arkaan oo meel cid wax u tari karta  in aanay ahayn way ogyihiin dabka Muqdisho yaallana in Buuhoodle loosoo raro bulshada deegaanka ayaa horeba u diiday waxaanay xaqiiqadu tahay in ay hadda aaminsan yihiin in ay Somaliland oo ay dal ahaan iyo dad ahaanba ay ka tirsan yihiin  in ay wax la qaybsadaan oo ay dantooda kala hadlaan dawladooda oo ay ka gudbaan dib u dhacyo badan oo deegaankooda gobolada kale ee dalka ka reebay oo fadhiid ka dhigay,dhinaca kale shaqsiyaadka aan marnaba wanaagga dadkooda ka fekerayn ee doonaya in ay sallaan ka dhigaan oo keliya waxaan odhan lahaa hadaad idinku tagteen dadkiina dhibaatada ka daaya oo naftiina oo qudha ayaad meteshaan e tiina meel nabad ah geeya.”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon)

Xigasho Wargeyska Dawan

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland