Guddoomiyaha Tuulada Balanbaal oo Maayer Muraad iyo Murashax Muuse ku Eedeeyay Masuulka Waddani ugu Sarreeyay Deegaankaas oo Rasaas Lagu Dhaawacay iyo Xadhiga Xubno Kale

0
320

Balanbaal(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Deegaanka Tuulada Balanbaal oo ka tirsan gobolka Togdheer Mukhtaar Axmed Cali Xaad ayaa ku eedeeyay maayerka degmada Burco Maxamed Muraad iyo Murashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi in ay ka dambeeyeen isla markaana ay masuul ka ahaayeen masuulkii deegaanka Balanbaal ugu sarreeyay Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo uu sheegay in rasaas lagu dhaawacay ay rideen ciidanka boolisku isla markaana la xidh xidhay saraakiil kale oo ka tirsan xisbiga WADDANI.

Waxaanu intaa raaciyay guddoomiyuhu in ay arrintaasi tahay mid  xad gudub ku ah hannaanka siyaasadda asxaabta iyo qarannimada Somaliland isla markaana ay aad uga xun yihiin waxaanu sheegay in ay bulshada deegaanka Balanbaal ficilkaa uu ku eedeeyay murasha Muuse iyo Maayer Muraad in ay ka xun yihiin kana soo horjeedaan oo aanay ku raacsnayn.

Haddaba halkan ka daawo warka Guddoomiye Xaad oo dhammaystiran.