“Xoolaha iibkoodii wuu bilaabmay qaybihii ugu horreeyayna imika waxay ku jiraan Maxjarada Caafimaadinta ee Berbera degdegma way u dhoofayaan.” Ganacsade Cali Ibraahin Ciise
Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Dhoofka Xoolaha nool ee Somaliland oo muddo xayirnaa,ayaa dib u bilaambaya isla markaana waxaa si toos ah dekeda caalamiga ah ee magaalada Berbera todobaadkan ka dhoofaya xoolihii ugu horreeyay ee ka dhoofa marsada Berbera
Ganacsade Cali Ibraahin Ciise oo ka mid ah ganacsatada waawayn ee xoolaha dhoofisa oo wargayska dawan wax ka waydiiyay in ay sanadkan xoolihii mooshinka Xjaku in ay dhoofayaan iyo in ay wali xayiraaddii ay saaran tahay,ayaa ku jawaabay. “Xoolaha dhoofkoodii wuu bilaabmay oo imika iibsigoodii ayaa socda oo durba sayladihii ayuu ka bilaabmay iibsigii Xooluhu waxaana jirta in qaybihii ugu horreeyay ee slayladaha xoolaha laga iibsaday in ay ku jiraan Maxjarada caajimaadinta Xoolaha ee Berbera si dhakhso ahna xooluhu way u dhoofayaan oo todobaadkan gudihiisa ayay dhoofayaan xooluhu sidaas ayaanay u furmeen.”
Tallaabada ay xooluhu ku furmeen ayaa ka dambaysay ka dib markii ay Xukuumadda Somaliland dedaalo aad u badan ay galisay sidii dawlada Boqortooyada Sucuudigu ay xayiraadda uga qaadi lahayd dhoofka Xoolaha nool ee Somaliland,taasoo ay ku guulaysatay Xukuumadda Somaliland isla markaana ay si toos ah u dhoofayaan xoolaha Somaliland sandkan mooshinka Xajka.
Xigasho Wargeyska Dawan
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland