Gedo (Xogsoormedia.com):- Weerar dhanka cirka ah oo lagu fuliyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ,ayaa lagu sheegay in lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab isla markaana lagu dilay 40 qof oo ka tirsan Al-Shabaab oo sida ay sheegeen maamulka gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.
Waxaanay wararka laga helayo maamulka gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya sheegayaan duqeyn dhanka cirka ah oo ay qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn in lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab isla markaana lagu dilay sida maamulka gobolkaasi warbaahinta u sheegay 40 qof oo ay ku jiraan saraakiil Al-Shabaab ka tirsan oo ajaanib ah.
Guddoomiye ku xigeenka amniga maamulka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu dilay ku dhawaad 40 ruux oo isugu jira saraakiil iyo askar ka tirsan Al-shabaab.
Waxaa uu sheegay in la dilay saddex ruux oo ajaanib ah oo mid ka mid ah uu yahay Cadaan, halka labada kalena uu ku sheegay in ay ahaayeen ajaanib ka soo jeeda qaarada Africa.
Hadalka guddoomiye ku-xgeenka amniga gobolka Gedo sheegashadiisa Marka laga yimaado ma jiraan warar madaxbannaan oo laga helayo gobolkaas iyo duqaynta ka dhacday baaxadda uu leegyahay qasaaraha ay geysatay.
Deegaanka Kabis oo duqeynta ay ka dhacday ayaa ku dhaw magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo, waana deeganada ay maamulaan Ururka Al Shabaab.
Al-shabaab ayaan wali ka hadal warka ka soo baxay maamulka Gedo ee lagu sheegay in duqayn dhanka cirka ah agu dilay 40 ruux oo ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil ajaanib iyo Soomaali isugu jira
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland