Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasiirudawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Axmed Maxamed Nuur.ayaa digniin u diray dawladda Federaalka Soomaaliya isla markaana sheegay in aanay Somaliland cidna uga dulqaadanayn faro galin ay ku soo sameeyaan dhulka Somaliland.
Waxaanu intaa raaciyay in ay jiraan dhaq dhaqaayo ay Puntland ku doonayso in ay ku soo faro galiso qaybo ka mid ah dhulka Somaliland taasoo uu sheegay in aanay Xukuumadda Somaliland u dulqaadan doonin isagoo uga digay Soomaaliya iyo Maamul goboleedka Puntland,ba in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara in ay isku dhacaan dawladda Somaliland.
Haddaba warka wasiirudawlaha oo dhammaystiran halkan ka daawo