“Dad Xilal Loo Magacaabay oo Dayn Halkaas Taagan ayaa jira oo Guryahooda La Xaraashi doonno” Xuseen Axmed Caydiid
“Wasiir-nimadaydii Waxaan uga tagay Markii la diidday in deegaankani ka dhex tartammo Xisbiga KULMIYE”
Hargaysa(Xogsoormedia.com):-Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid oo ka mida Saraakiisha sarsarre ee Xisbiga WADDANI qudbad ka jeediyay xarunta gobolka Hawd ee Balligubdale oo ay ka socoto qaadashada kaadhka codbiyaha doorashooyinka omaliland,ayaa ka hadlay sababihii uu uga tegay xilkii wasiirnimo ee uu iska casilay iyo waxyaabihii ku dhaliyay in uu wasiirkii caddaaladda iska casilo kana boxo Kulmiye OO UU KU BIIRO Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.
Waxaa kale oo uu bulshada gobolka Hawd kula dardaarmay in ay qaataan kaadhka cdbixiyaha isla markaana ay noqdaan dad codkooda wax ku dooran kara o aan loo doorin cidda hoggaaminaysa qaranka.
Wxaanu tilmaamay in ay u wadaan bulshada gobolka Hawd iyo guud ahaan qaranka Somaliland murashax Somaliland ay u siman tahay oo qarannimo wax uga hooseeyaa aanay jirin,waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan.
“Waa la sheegay wixii la is farraayay, waxaanse ku darayaa Nin-baa beri aqal soo garaacay, markaasaa la yidhi iska joog, markaasuu yidhi waar maanta waa Buntirsi, markaa waxaan leeyahay reer Baligubadloow maanta waa Buntirsi. Waa la tartamayaa, cod-baa lagu tartamayaa, waxa lagu tartamayaa Murashax soo saaristii ayaa lagu tartamayaa, ciddii ku hoggaamin lahayd ayaa lagu tartamayaa, waxaan leeyahay aynu u qalab uruursanno taasaa tartan loogu jiraaye.”
Si aynnu ugu hiillinno Murashaxeenna Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waa in aynu qaadannaa Kaadhka codbixinta, waxaan maqlayay oo Warbaahintana la soo geliyay dad la baayacay Kaadhadhkoodda, waxaan idin leeyahay taasna ka feejignaadda, cadowgiinu wuxuu ku dedaalayaa inuu idinka saarro doorashadda oo dad aan Wakiilladooda diran idinka dhigo, oo dabadeedna aad noqotaan dad aan qaranka wax-ba ku lahayn, qofkii shallin siista Kaadhkiisa ha ogaaddo waa qof aayihiisa iibiyay oo Mustaqbalkiisii cid kale siiyay ee ha laga feejignaaddo.” Ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.
Waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi “Annagu haddii aynnu Hargaysa joogno iyo haddii aynnu Baligubadle joogno waynu ka simanahay sida halkan (Baligubadle), loogu Biyo la’a yahay ayaa Hargaysanna loogu Biyo la’a yahay,sow taas kama war qabtaan, sidii dalka loo soo galay cid-baa cabaysay, sidii dalka loo soo galay-nna cid-baa Biyo la’aanni haysay, markay sidaas tahay waxa la yidhaahdaa Muumin laba goor god lagama wada qanniino, haddaad cid-ba ku eegto taladdaada, oo aad ka eegto innuu wax kuu qabto, oo aad wixii ka waydo, haddaad mar labaad tidhaahdo waan ugu celinnayaa waa godkii laba jeer ha lagaa qanniino ayay ka dhiggan tahay.”
Mudane, Xuseen Axmed Caydiid waxa uu intaas raaciyay oo uu yidhi “Balanteennu waxa weeye in aynnu Xisbigaas WADDANI soo saarno, balankeennu waa in aynnu Horumarka ummadda la qaybsanno, balankeennu waa in aynnu qayrkeen wax la qaybsanno. Kalmad yar oo kale ayaan idin sheegayaa waxaad ka war haysaan inaan Wasiir ahaan jirey oo aan iskaga tagey, waxaan uga tagayna waad garanaysaan. Markii la diidday in deegaankani ka dhex tartammo Xisbiga KULMIYE dhexdiisa ayaan ka tagay. Ninka ii waydaartay Aniga (Xuseen Axmed Caydiid), garbo diirri Nin daguugan ma waydee inaanu wax-ba ka soo hellayn taasna ogaadda, meeshaan anigu wax ka keenni waayay, wax-ba kama keenayaan ee ogaadda, dad Xilal loo magacaabay ayaa dayn halkaas taagan oo waxay kaga tagaan iyo waxay ugu jiraan mid-nna garan la’a oo guryahoodda la xaraashayaa, saddexdaa bilood markay dhammaadaanna lagaga guurayaa, sidaasaa innoo balan ah ee qof weliba ha gaadh-siiyo dadka aynnu guryaha kaga nimid, halgankaasna aynnu u diyaar garowno.” Ayuu yidhi Mudane, Xuseen Axmed Caydiid
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland