Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Alle ha u naxariistee ugu yaraan sadex qof ayaa ku geeriyooday dad kalena waxaa ka soo gaadhay dhaawacyo kala duwan ka dib markii ay isku dhacen laba gaadhi duleedka bari ee magaalada Hargeysa.
Shilkan baabuur ayaa ahaa isku dhac laba baabuur oo kuwa xamuulka qaada ah kuwaasi oo kala ahaa gawaadhida loo kala yaqaano Waaraad (Candho-maydle) iyo sidoo kale Booyad biyo ka keentay deeganka Awr-barkhadle.
Shilkan baabuur oo ahaa mid naxdin badan ayaa naloo sheegay inay ku dhinteen saddex qof oo saarnaa gaadhiga booyada ah sida ay sheegeen dad Goobjoogayaal ahaa oo ku sugnaa Kaantaroolka Haleeya ee duleedka bari ee magaalada Hargeysa oo ah halka uu ka dhacay shilku,sidoo kalena waxa ku dhaawacmay shilkaasi baabuur laba ruux oo kale.
Magacyada dadka ku dhintay shilkaasi Baabuur ayaa waxay kala ahaayeen sida tan Maxamed Siddiiq Cabdilaahi Diiriye , Ina Xariir Nuur, Ina Guray Aw Muuse.
Ciidamada Nabadgaliyada waddooyinka Somaliland oo uu hoggaaminayo taliyaha ciidamada Nabadgaliyada waddooyinka ahna afhayeenka ciidamada Booliska Somaliland ayaa gaadhay markiiba goobta shilku ka dhacay ,waxaana uu taliyuhu sheegay in shilkani yahay kii ugu horreeyay ee Noociisa ah Somaliland ka dhaca.
Meydadka iyo dhaawacyada dadkan ayaa loo soo qaaday Cisbitaalka magaalada Hargeysa.
Shilalka gaadiidka iyo qasaaraha ay keenaan ayaa ah kuwo ku soo noq noqda Somaliland oo ay dad badani ku dhintaan.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland