Burco (Xogsoormedia.com): – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro),ayaa qudbad uu ka jeediyay daahfurka qaadashada kaadhka codbixiyeyaasha ee gobolka Togdheer waxaa uu kaga hadlay sida loogu baahan yahay in hawsha qaadashada kaadhka codbixiyaha doorasahda Somaliland in ay noqoto hawl qaran oo asxaab,xukuumad,gudiga dooashooyinka iyo dadweynahaba in dhan looga so wada jeesto oo dib loo dhigto loolanka xisbinimo iyo tartanka asxaabta dhexdeedaba.
Waxaa kale oo uu sheegay in muddooyinkii u dambeeyayba ay soo baxayeen hadalo uu sheegay in shaki lagu galinayay qabsoomidda doorashada iyo qaadashada kaadhka Codbixiyaha oo uu tilmaamay in ay soo baxayeen hadalo lagu sheegayo in la boobayo kaadhadhka iyo doorasahdaba.
Waxaanu meesha ka saaray in ay taasi dhici karto isagoo ka xisbi ahaan dhankoodaba ballan qaaday in doorasho xor ah ay gelayaan oo ay diyaar u yihiin waxaanu intaa raaciyay in Kulmiyena taa ballan qaaday.
Waxaanu yidhi“Waxaynu maanta iskugu nimid daahfurka kaadh qaadashada gobolka Togdheer, isagoo isla maantana uu ka bilaabmi doono gobolka Maroodi-jeex, Waxaan u mahadnaqayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee inoo qorsheeyey suurtagaliyeyna munaasibadan balaadhan ee daahfurka ah ee sida wanaagsan loo soo agaasimay.
Waxaanu dhinacayaga u cadaynaynaa in aanu si wanaagsan ula shaqaynayno, kalsoonidana hore ayaanu u siinay Komishanka doorashooyinka.
Walaalayaal;- waxaan shacbiga gobolka Togdheer iyo Maroodi-jeexba aan ugu baaqayaa hal dardaaran oo halkana lagaga soo celceliyey oo ah muwaadin kasta oo jooga gobolka Togdheer Iyo Gobolka Maroodi-jeex ilaa uu qaato kaadhkii uu isku diiwaangaliyey si uu u helo xuquuqda ah inuu doorto cida uu taageersan yahay.”
Waxaanu intaa raaciyay Murashax Cirro isagoo hadalkiisa sii wata. “Waxaan Komishanka Doorashooyinka ugu baaqayaa oon ku dhiirigalinayaa in sharciga aynu ku shaqayno, kuna dhaqano, kuna adkaano, wuxuu sheegay Komishanku khaladaad labadii gobol ee hore ka soo baxay, waxaan waafaqsanahay in sharcigu qabto masuuliyiinta Axsaabta haduu yahay Waddani, haduu yahay UCID iyo haduu yahay Kulmiye.Waxaan boqolkiiba boqol aan taageerayaa in masuulkii ka tirsan xisbigayaga uu sharcigu qabto oo hadii uu xadhig mudan yahay la xidho. Waxaanu warbaahinta ka maqlaynay Gudoomiyihii Gobolka Salal ee xisbiga Kulmiye waxa lagu qabtay wax-is-daba-marin, kuwa xisbigayaga Waddani-na waanu uga digaynaa in waxaas oo kale ay dhacdo, waxaananu leenahay hadii Sharci la idinku xidho waanu taageeraynaa in la idin xidho”.
Mar uu ka hadlayay hadalada beryahan dambe soo baxbaxaayy iyo shakiga dadka lagu soo dhex tuuray waxaa uu yidhi. “Baryahan dambe, oo aan taageerayaa in asxaabta dhamaantood, Komishanka doorashooyinka, hay’adaha amniga iyo Gudoomiyeyaasha Gobolada dhamaanteen aynu si wanaagsan uga qaybqaadano oo dhexdhexaad ah si ay kaadh qaadashadu si wanaagsan inoogu dhamaato, inkastoo ninkii halkan ka hadlay uu yidhi Muuse ha la taageero bal waynu dhageysan doonaa Ramaaxna waxa uu yidhaahdo.”
Ugu dambayn wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday. “Waxaanu idin leenahay xisbi-nimada aynu hoosta ku haystaano oo muuqaalkoodu marka hore uu noqdo dhexdhexaad hadhow ha u codeeyaanbee.
Waxa baryahan saxaafada ku soo noqnoqonaysay Kaadhadhka waa la boobayaa, Doorashada waa la boobayaa, waxaan rumaysnahay anigu in arintaasi aanay dhici karin, Muuse-na wuu cadeeyey, yeelkadeede haday jirto cid ku riyootay waxaanu leenahay arintaasi arin suurtagalaysa maaha, Muwaadiniintuna way siman yihiin sharciga hortooda oo qofna qof ma boobi karo, xisbina xisbi ma boobi karo.
Arintaana waxaan kaga dardaarmayaa uun Ismaaciil Mire gabay dheerbaa jirayoo oo uu rag badan kula dardaarmay oo la yidhaa ‘Ragow Kibirka Waa Lagu Kufaa, Kaa Ha La Ogaado’, waxaan kaga baxayaa go’aan kasta oo ku soo baxay si xor ah oo xalaal ah oo komishanku soo saaro in aanu diyaar u nahay in aanu aqbalno.”
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland