Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Abiib Diiriye Nuur(Abiib Timacad) oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga xaakimka Somaliladn ee KULMIYE isla markaana ka soo noqday Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Wasiir oo muddooyinkii u dambeeyay la hadal hayay in uu ku biirayo Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa markii u horraysay arrintaa ka hadlay
Waxaanu sheegay in isaga iyo rag kale oo miisaan ku leh siyaasadda Somaliland oo aanu magacaabin in ay ku biirayaan dhawaan Xisbiga WADDANI.
Abiib Timacad,ayaa ka mid ahaa xubno wasiirro ah oo xilalka iska casilay kana biyo diiday shirkii golaha dhexe ee KULMIYE ee musharaxa jagada Madaxweynaha xisbiga KULMIYE loogu doortay Guddoomiye Muuse Biixi laakiin hadana wuxuu ka sii mid ahaa Xisbiga shirkii Muuse loogu doortay murashaxa Madaxweynaha ee Xisbigana wuu ka qayb galay.
Laakiin wuxuu goordhawayd Star TV u caddeeyay in uu ku biirayo Xisbiga WADDANI isagoo sheegay in aanu kelidii ahayn balse ay ku weheliyaan rag siyaasadda Somaliland magac ku leh oo ay wada socdaan.
Abiib ayaa ah siyaasi Somaliland xukuumadihii kala dambeeyay ee soo maray mid kasta wasiir kasoo noqday oo aan marnaba ka maqnayn saaxada siyaasadda Somaliland tan iyo xukuumaddii ugu horraysay ee Madaxweynihii koobaad ee Somaliland Cabdiraxmaan Tuur.
Haddaba halkan ka daawo Abiib Timacad oo ka hadlaya ku biiritaankiisa xisbiga WADDANI