Murashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Burco Lagu Soo Dhaweeyay

0
382

Burco(Xogsoormedia.com):- Murashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaardka ah ee WADDANI ahna guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Wefti  heer xisbi qaran ah oo uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay Xarunta gobolka Togdheer ee Burco.

Murashax Cirro iyo weftigiisa oo ka ambabaxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa,ayaa socdaalka ay ku tageen magaalada Burco waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee Xisbiga iyo taageerayaasha xisbigaas ee magaalada Burco waxaana weftiga lagaga hor yimi tuulada Qoyta oo dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Burco.

Haddaba warkaas oo dhammaystiran halkan ka daawo.