Madaxweyne-Ku-xigeenka Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Salaasadii 04 July, baajiyay xaflad Huteelka Maansoor lagu qabanayey oo ay xilka ku kala tirsan lahaayeen Wasiir Ku-xigeennada wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Qorshaynta, Axmed Ismaaciil Kayse iyo Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo dhawaan madaxweyne Siilaanyo isku beddelay.
Ku-simaha Madaxweynaha wuxuu faray Wasiir Ku-xigeennadan inay xarumaha wasaaradahooda kula kala wareegaan xilalka oo aanay ku qaban karin Huteelada maadaama oo dalka uu ka jiro sicir-barar iyo tabaalooyin badan oo dhaqaale, taasina ay keeni doonto dhaliilo galdaloolo siyaasadeed u soo jiida xukuumadda oo aanay fiicnayn in la yidhaahdo lacagtii dawladda ayaa lagu burburinayaa xaflado aan lagama maarmaan ahayn.
Xil-wareejintii waxay mar dambe ka dhacday xarumaha wasaaradaha, balse 48-kii saacadood ee u dambeeyay, waxa talaabadaasi amaan u soo jiiday madaxweyne Ku-xigeenka iyo xukuumaddaba, maadaama oo aanay dhaqan ahaan nidaamka dawladdu dhigayo in xafladaha xil-wareejinta lagu qabto xarumaha wasaaradaha. Dhaqankan in xafladaha noocan oo kale ah lagu qabto Huteeladu waxay la dhalatay xukuumaddan Madaxweyne Siilaanyo. Waana mid aad looga wanaagsan yahay oo u baahan in laga il-baxo.
Ma aha markii u horreysay ee Wasiirrada qaarkood xilka ku tiriyaan ama kula wareegaan huteelada waaweyn. Waxaan xusuustaa 14 November 2015, waxaan qoray maqaal aan ciwaan uga dhigay: “Tirada Wasiirradii Xilka ku Tirsaday Xaflado Jideeyay Sunne Lid ku ah Hanaanka Maamul Wanaaga” oo aan ku baahiyay warbaahinta, waxaan tilmaan ka bixinayay sida loogu baahan yahay in dawladdu ka waantowdo xil-wareejimaha aadka loo buun-buuninayo. Waxaa maalmahaas xilal kula wareegay Huteelo 7 Wasiir oo wasaaradahooduna leeyihiin hoolal lagu qaban karay xafladahaas lacaguhu ku baxeen.
Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Qorshaynta, oo horena u ahaa Wasiir Ku-xigeenkii Arrimaha dibadda Axmed Ismaaciil (Kayse), ayaa u waramay muuq-baahiyaha Star TV, waxa uu sheegay inuu ka xun yahay in madaxweyne ku-xigeenku ka joojiyay xafladii uu xilka ku tirinayay uu ku qabsado Huteel. Waxa kaloo ku dooday inuu cabashadiisa arrintan ku wajahan u gudbin doono madaxweyne Siilaanyo marka uu dalka yimaado. Hadalka Wasiir ku-xigeenku aan laga baaraan-degin, kana turjumaysa laylinimadiisa dhinaca maamulka inkastoo uu maamulka dawladda ku soo dhex jiray muddo tobaneeye sannadood ah oo uu ka soo qabtay Agaasimaha guud ee Daakhiliga, saddex jeerna noqday Wasiir ku-xigeen, xukuumaddan iyo tii Rayaaleba.
Wasiir Kayse wuxuu ku andacooday inay huteelka kiraysteen, kaadhadhkii xaflada qaybiyeen ku-simaha madaxweynuhu kala dhantaalay xafladoodii, waxaanu isu dhigayey nin awood ugub ah lagu bilaabay dhaqan-galkeeda. kumuu qanacsanayn Asbaabaha maangalka ah ee madaxweynuhu u daliishaday talaabadan sunaha dawladnimo u wanaagsan.
Ugu dambayn, waxaa daruuri ah in Wasiir ku-xigeenku raaligelin ka bixiyo khaladaadka lidka ku ah haybadda dawladnimada. Waxa kaloo habboon in Madaxweyne Ku-xigeenku uu Wasiir Ku-xigeenka ku soo gale joojiyo khaladkii laga qabtay, waxaa ka sii daran oo gefka labaad ee indho-adayga ah ee uu la shir yimid.
BAL AKHRI MAQAALKII AAN 14 NOVEMBER KA QORAY WASIIRRADA XAFLADAHA KU WAREEJIYEY HUTEELADA
http://www.hubaalmedia.net/tirada-wasiirradii-xilka-ku-tir…/
Cumar Maxamed Faarax
cumarmfaarax@hotmail.com