Burco(Xogsoormedia.com):- ALLE ha u naxasriistee waxaa maanta aas Qaran lagu sagootiyay Mijir Qaadi Maxamuud oo Burco ku geeriyooday.
Marxuum Mijir Qaadi ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee waxbartay waxaanu ka soo shaqeeyay Caafimaadka oo uu ka soo wareegay 1961-kii. xilligaas oo uu ku biiray bahda Warbaahinta oo uu ka noqday shamac ka dhex baxay Radyaw Hargeysa iyo Radyaw Muqdisho oo uu labadaba ka soo shaqeeyay.
Waxaanu idaacadaha ku soo kordhiyay Barnaamijyo aqooneed o dhegaysteyaal badan kasbaday isla markaana barbaabrin iyo aqoon barasho u siday bulshada uu la hadlayo ee Soomaaliyeed oo dhan.
Waxaanu ku biitay Halgankii SNM isagoo marxuumku xilal kala duwan ka soo qabtay markii Somalilad Xornimadeeda la soo noqotay wuxuu ka mid ahaa waxgaradkii salka u dhigay nabada Somaliland ku naaloonaysay mudada rubuc qarniga iyo sanadaha ah.
Haddaba halkan ka daawo ALLE ha u naxariistee aas qaran oo aan loo kala hadhin oo lagu sagootiyay Marxuum Mijir Qaadi Maxamuud.