Riyad(Xogsoormedia.com):-Boqorka dalka Sacuudiga Boqorl Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa amray in shaqada laga eryo qoraa wargeys oo ku xad gudbay sifaadka ALLE u goonida ah isla markaana boqorka ku ammaanay tilmaamo ALLE u gooniya.
Boqor Salmaan ayaa badiyaa ka helayey qorayaasha saxaafadda gudaha ammaan heer dhaqan ilaa xukun tan iyo markii talada Boqortooyada dalkaas uu qabtay sanadkii 2015.
Laakiin Ramadaan Al-Anzi oo qoraa ka ah wargeyska al-Jazirah newspaper ayaa ku tilmaamay Boqorka Salmaan “Haliim” ama “Naxariis badane” iyo”Shadeed al-Eqab” “Ciqaabtiisu kulushahay”, labadaa sifo oo diinta Islaamku ALLE u gaar yeeshay isla markaana ay dambi diiniya tahay in qof muslim ahi uu sheegto ama cid kale uu ku sheego.
Waxaana laga yaabaa in wariyahan Boqor Salmaan ammaantiisa sida diinta Islaamka ka baxsan u ammaanay ee tilmaamo RABBI oo kali ahi leeyahay boqorka ku sheegay in uu ku mudaysto in lasoo taago Maxkamad
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland