“Labada Shaqada Laga Joojiyay Waxay ka Qayb Galeen soo Dhawaynta Weftiga Gudoomiyaha Golaha Wakiilada.”War-saxaafadeed W.Duulista

0
332

Hargaysa (Xogsoormedia.com):- Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland,ayaa caddaysay in ay shaqada ka joojisay laba qof oo shaqaaleheeda ka mid ah oo ay ku eedaysay in ay ka qayb galeen so dhawaynta wefti uu hoggaaminayay Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland ahna  murashaxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo dalka boqortooyada Suciidiga ka soo noqday ka dib markii ay soo dhammaysteen socdaal Cibaado oo ay ku joogeen Xaramka barakaysan bishii Ramadaan intii dambe.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Duulista oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Wasaaraddaasi, Ismaaciil CAli  Axmed ayaa lagu sheegay in labada nin ay dacayeen shaqadii ay wasaaradda u hayeen oo ahayd dhanka ammaanka isla markaana ay soo cidleeyeen goobihi shaqo ee ay ka hawl galayeen.

Waxaanu u dhignaa war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Duulista Somaliland sidan.

“Waxaan halkan kaga jawaabaynaa warar been abuur ah oo ay baahiyeen warbaahinta  qaarkeed, kaas oo ku saabsanaa in laba shaqaale ah oo ka tirsan shaqaalaha madaarka hargeisa shaqada laga joojiyay  ka dib marki ay salaameen gudoomiyaha golaha wakiilada ahna musharaxa xisbiga wadani.

Waxaan halkan uga cadaynaynaa guud ahaan shacbi waynaha JSL iyo cid walba oo ay khusayso, in labadaas shaqaalaha ah ee shaqada looga joojiyay ay ka tirsan yihiin waaxda amniga ee madaarka caasimada, waxaana shaqada looga joojiyay ka dib markii ay ku kaceen dayacaad shaqo, iyaga oo soo cidleeyay shaqadii ay qaranka u hayeen ee ahayd baadhista dadka iyo rakaabka madaarka ka dhoofaya wakhti shaqadii socoto, iyaga oo ka qayb galay soo dhawaynta waftiga gudoomiyaha golaha wakiilada  ahna musharaxa xisbiga wadani mudane cabdiraxmaan maxamed cabdilahi ciro.

Arintaasina waxay ka hor imanaysaa xeer hoosaadka anshaxa shaqaalaha madaarka caasimada, cid kasta oo ku kacda hawl aan loo dirana waxa la marinayaa hab anshaxa u yaala shaqaalaha madaarka.

Maadama lagu jiro wakhtigii xagaaga isla markaana madaarka caasimadu uu mashquul ku yahay adeeg u fidinta rakaabka soo dagaya ama dhoofaya, dhamaan shaqaalaha madaarka waxa laga rabaa inay u gutaan waajibaadkooda shaqo sidii loogu talo galay, iyada oo shaqaalaha ay ka mamnuuc tahay inay ka baxaan goobta shaqada wakhtiga ay shaqada ku jiraan ama ay tagaan goob kale oo ayna shaqo ku lahayn, iyada oo mar walba lagu adkaynayo lagana rabo  inay ku sugnaadaan goobta shaqada.

Soo dhawaynta wufuuda dalka iyo kuwa caalamka, waxa madaarka u qaabilsan shaqaale gaar ah oo lagu carbiyay hawshaas inay qabtaan, sidaas darteed shaqaale waynaha kale ee madaarka looma ogola inay ku mashquulaan soo dhawayn maadaama laga rabo inay ku sugnaadaan goobtooda shaqada wakhitaga ay shaqada ku jiraan.

Madaarka caasimadu waa madaar caalami ah oo ay ka hawl galaan diyaarado caalami ah , iyo iyo Maxali ah ba sidaas darteed wuxu adeeg isku mid ah u fidiyaa dhamaan dadwaynaha JSL mucaarid iyo muxaafidba, iyada oo cid walba la siiyo maamuuska ay mudan tahay iyadoo maanka lagu hayo duruufaha amni ee mandaqada ka jira”

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland