Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Ruug caddaaga siyaasiga ah ee reer Somaliland ee Axmed Yuusuf Ducaale oo u soo joogay midnimadii lixdankii iyo waxyaabihii quudhsiga ahaa ee reer Somaliland ay kala kulmeen Soomaaliyada ay la midoobeen,si mugwayn oo ildheer uu ku eegay qoraal kooban ugu sheegay umadda reer Somaliland in ay indha furan oo ay dib u eegaan wixii midnimadii lixdankii ku dhacay iyo sidii loo quudhsaday in ay tahay wali mid taalla Xamar oo ay ka go,antahay marlabaad in ay midnimo quudhsi ku dhisan in ay wadaagaan.
Waxaanu meesha ka saaray in riyadaasi ay mar kale soo noqon karto.
Waxaanu tusaale fudud u soo qaatay hadalkii ugu dambeeyay ee Madaxda Soomaaliya ay ku xusayeen 1 jully oo ah maalintii koonrurta Soomaaliya ay xorowday isla markaana Somaliland iyo Soomaaliya isku biireen.
Waxaanu qoraalkiisa oo aad u xeeldheer oo si fog oo mugwayn wax u iftiiminaya uu ku yidhi sidan.
“Is raacii 60 kii Koonfurta Soomaaliya qorshahay dhigtay waxa uu ahaa mansabka Madaxweynaha iyo ka Priministerka in ay kala qaataan 2dii shabeel ee shilinka Soomaalia ku sawiraa ., Somalilandna waxa meel u sii yaalaana noqdo Guddoomiyaha Barlamanka.Hoggaankii Ciidanka qalabka sida iyo hoggaankii ciidanka bileyskana iyana 2dii shabeel ayaa kala qaatay. Marxuum Cigaal markuu diiday in uu noqdo ku xigeenka bariministerka wuxuu noqday Wasiirkii Difaaca isagoo ka xishooday is raaca curdinka ah in uu u sadqeeyo damiciisii siyaasiga ahaa . 57sanno kadibna kuwa maanta ku qeybsanaya dowladnimada 4.5, maaskaxdoodiina ay joogto 60kii halkay joogta, intaana aanay korin,bal idinkaan idin weydiiye cidda wax ku darsanaysa laga roonayaasha wa ayo.”?
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland