Xaalladda Dhaq Dhaqaaq ee Amiirkii Dhaxaltooyada Sucuudiga Laga Qaaday oo Warar Is Khilaafsani ka soo Bexeen iyo Masuuliyiin ka Hadlay

0
478

Riyad(Xogsoormedia.com):- Warar is khilaafsan,ayaa ka soo baxay dhaq dhaqaaqiisa socod iyo xorriyadiisa  dhaxal-sugihii hore ee boqortooyada Sucuudiga ee dhawaan laga bedelay booskaas isla markaana laga qaaday xilkii wasaaradda arrimaha gudaha ee uu dalkaas ka hayay

Wargeyska  New York Times  oo ka soo baxa dalka Maraykanka,ayaa khamiistii qoray in dawladda Sucuudigu ay xabsi guri ku soo rogtay Amiir Maxamed Bin Naayif isla markaana laga mamnuucay inuu dalka dibaddiisa u safro ka dib markii Boqor Salmaan-ka Sucuudigu ka qaaday xilkii dhaxal sugenimo kuna bedelay wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan.

Masuul sare oo Sucuudi ah ayaa beeniyey warbixin uu qoray wargayskaasi  isla markaana ku tilmaamay war aan sal iyo raad lahayn Amiir Maxamed W Bin Naayif,na sheegay in uu hawlihiisa si caadiya u wato sial markaana wax xayiraad ah oo lagu soo rogay aanay jirin,Sarkaalka sare ee  dawladda Sucuudiga u hadlay oo u warramay Wakaaladda wararka Reuters ayaa,yidhi “Maxamed Bin Naayif, wasiirkii hore ee arimaha gudaha ee ruug caddaaga ahaa weli sidii buu u qaabilaa martida u timaada mana jirto wax xayiraad socdaal ah oo lagu soo rogay isaga iyo qoyskiisa toona”.

 

Wargeyska Maraykanka ahi wuxuu warbixin uu baahiyey Khamiistii isagoo soo xiganaya afar masuul oo iskugu jira kuwo hore iyo kuwo haatan xilal haya oo ay aad isugu dhawyihiin qoyska boqortooyada Sucuudiga, ayuu ku sheegay in ay yidhaahdeen in Maxamed Bin Naayif “laga mamnuucay inuu boqortooyada ka baxo isla markaana waxaa lagu xukumay inuu xabsi guri ku joogo qasrigiisa” ku yaal magaalada Jiddah. Laakiin masuuliyiinta wargayska  warka siiyay oo uu sheegay in ay yihiin madax hore xilal u hayay iyo kuwo haatan haya oo ay Boqortooyada aad isugu dhawyihiin ayaanu magacaabin shaqsiyaadka ay yihiin.

 

Dhinaca kale masuulkan sare ee Sucuudiga ah ee la hadlay wakaaladda wararka Reuters, ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay warbixinta uu wargeyskaasi baahiyey waxaanu ku tilmaamay mid “been abuur ah” waxaanu hadalkiisa ku sii daray in “Maxamed Bin Naayif damacsanyahay inuu sharciga la tiigsadao wargeyskaa”.

 

Wargeyska New York Times,ayaa xayiraadda lagu soo rogay amiirka la casilay ku sababeeyay mid ay Boqortooyadu kaga hor tegayso mucaaridad uu dibbada ka abaabulo Amiir Maxamed oo ah ruugcaddaa siyaasadda  muddo badan  siyaadda dalkiisa ku soo jiray kana tirsan qoyska Boqortooyda.

Wararkan is khilaafsan ee wargayska iyo wakaaladuba ay sheegeen in ay ka waraysteen madax dawladda Sucuudiga ka tirsan ayaanu wali amiirka la casilay ka hadal oo aanu wax jawaab ah ka bixin,aamusnaantiisuna waxay dhalinaysaa tuhuno la xidhiidha labada war ka xaqiiqada ah.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland