“Xisbiga WADDANI Wuxuu ku Guulaystay Inuu Dhallinyarada Isu Keeno Qabyaaladana ka Saaro Annaguna Waanu ku Raacnay.” 20 Naadi Ciyaartoy ah iyo Masuul KULMIYE ahaa oo Waddani ku Biiray

0
439

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- 20 Kooxood oo kubadda cagta ah oo ka dhisan caasimadda Hargeysa isla markaana ka qayb qaadanayay tartankii koobka bisha Ramadaan ee ka socday garoonka Masalle Stadeum ee degmada Maxamud Haybe ee Hargeysa iyo masuul sare oo ka tirsanaa xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE,ayaa shaaca ka qaaday in ay ku biireen Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

Taasoo ay sheegeen n ay sabab u tahay markii xisbiga WADDANI uu ku guulaystay in uu dhallinyarada caasimadda mideeyo isla markaana qabyaaladda ka saaro,waxaany intaa raaciyeen in Xisbiga KULMIYE uu ku guuldarraystay isu keenidda iyo midaynta dhallinyarada caasimadda Hargeysa.

Haddaba warkaas oo dhammaystiran halkan ka daawo.