Xildhibaan Ka Tirsan Senete-ka Maraykanka Oo Ka Digay In Hub Laga Iibiyo Wadamada Is Khilaafsan Ee Khaliijka

0
437

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Bob Corker  Seneter saamayn badan leh oo Maraykanka  ah ayaa sheegay in uu hor istaagi doono heshiiskii hubka lagaga iibin  lahaa dalalka Carbeed ee Khaliijka mudada uu khilaafkoodu taagan yahay.

Bob Corker, oo ah guddoomiyaha guddiga Senetka u qaabilsan arrimaha dibedda ayaa ka digay in waxyeello la gaadhsiiyay dagaalkii lagula jiray kooxda  isku magacawday Dawladda Islaamka iyo waliba wax ka qabashadii xaaladda Iiraan.

Sucuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa jaray xidhiidhkii  ay la lahaayeeen dalka Qatar  iyaga oo sidoo kalana ka xidhay xadadkooda dhulka iyo hawadaba, mudddo haatan laga joogo saddex toddobaad.

Waxay Qadar ku eedeeyeen in ay taageerto Argaggixisada iyo Iiraan,laakiin way diiday eedaymahaas.

Jimcihii ayaa Qadar loo soo gudbiyay 13 dalab si loo soo afjaro is mariwaaga, dalabyadaas waxaa ka mid ah in ay Albaabada u laabto warbaahinta Al Jazeera, iyo in ay  xidhiidhka u jarto Akhwaanul Muslimiinta  hoosna u dhigto calaaqaadka ay Iiraan la leedahay.

Afhayeen u hadlay Qadar ayaa sheegay in shuruudahan ay xaqiijiyeen ” in go’doominta sharci darrada ahi in aanay   wax xidhiidh ah la lahayn la dagaalanka argagixisada  balse ay  tahay isku day lagu xaddidayo madaxbannaanida Qadar iyo siyaasaddeeda arrimaha dibadda”.

Xayiraadahaas ayaa qas u horseeday dalkaas shidaalka qaniga ku ah, kaasoo ku tiirsan waxyaabo loo soo dhoofiyo si ay dadkeedu u helaan adeegyada aasaasiga ah.

Qadar waxaa ku nool 2.7 milyan oo ruux.

Madaxweyne Trump ayaa markii hore sheegay in uu taageersan yahay talaabada laga qaaday Qadar, inkastoo uu dalkaasi hoy u yahay ciidammada ugu badan ee Maraykanka ka jooga Bariga Dhexe.

Laakiin Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Rex Tillerson, ayaa qiray Axaddii in qaar ka mid ah dalabyada ay soo gudbiyeen dalalkaasi ay dariska yihiin ay “adkaandoonto in la helo” wuxuuna ku baaqay wadahadal xal lagu gaadho.

Waraaq uu Corker u diray Tillerson Isniintii ayuu ku sheegay in uu aad ugu farxay kulankii dhawaa ee Trump uu ku tagay Sucuudicarabiya halkaasoo uu kula kulmay Golaha Iskaashiga Khaliijka

Xisbiga Jamhuuriga ayaa lala wadaagay in madaxweynuhu uu lixda dal ee Khaliijka oo Qadar ay ku jirto uu kula heshiiyay “in ay gacan ka gaystaan yaraynt khilaaafaadka gobolka” ayna yeeshaan iskaashi wayn oo dhanka ammaanka ah”.

“Nasiib darro  dalalkii Khaliijku  kamay  faa’iidaysanin kulankaas ee taas badalkeeda waxay doorteen in ay khilaafka sii baahiyaan,” ayuu intaas ku sii daray.

“Dalalka gobolka oo dhan waxay u baahan yihiin in ay wax wayn ka qabtaan la dagaalanka argagixisada, laakiin murankii u dambeeyay ee soo kala dhexgalay dalalka Khaliijku wuxuu curyaaminayaa oo kali ah dedaaladii lagula dagaalamayay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka iyo kuwii lagu xakamayn lahaa Iiraan.

“Sababahaas daraadood waxaan u baahannahay in aan fahan fiican ka helno habka lagu xallinayo khilaafka Khaliijka soo kala dhexgalay ka hor inta aanaan fasax dheeraad ah siinin hubka iyo qalabka millatari ee laga iibinayo dalalka Khaliijka.

Sharciga Maraykanku wuxuu dhigayaa in ay waajib tahay in Congresska si rasmi ah loola wadaago macluumaadka 30 maalmood ka hor inta aan dal ajnabi ah laga gadin hub, taasoo wakhti siinaysa haddii ay rabaan inay  hor istaagaan.

Bishii la soo dhaafay, qaraar lagu doonayay in lagu joojiyo iibka hub u dhigmo $500 milyan oo uu Sacuudiga doonayay inuu u isticmaalo dagallada Yemen ayaa si dirqi ah u guul darreystay markii ay senateka cod u qaadeen. 53 cod ayaa lagu diiday qaraarkaasi halka 47 ay u codeeyeen joojinta iibka hubka oo qeyb ka ah heshiiskii iibka hubka ee ku kacayay $110 bilyan ee uu Trump ku saxiixay magaalada Riyaad.

 

Xigasho:  BBC Somali

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

 

Hargeisa Somaliland