Turkiga oo Qatar ku Taageeray Mawqifka ay Ka Qaadatay 13 Qodob oo Shuruud Lagaga Dhigay

0
402

W/wararka(Xogsoormedia.com): –Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in wax  la qaadan karo in aanau ahayn qodobada ay soo saareen dawladaha qo’doominta ku soo rogay dalka Qatar ee ay shuruudda kaga dhigeen in ay soo celiyaan xidhiidhkii ay dalkaas la lahaayeen.

Waxaanu Erdogan soo dhaweeyay isla markaana uu taageeray mawqifka ay ka qaadatay dawladda Qatar qodobada loo soo bandhigay oo uu tilmaamay in ay baalmarsan yihiin qawaaniinta caalamiga ah.

 

Waxaanu intaa ku daray in ay xadgudub ku yihiin qarannimada iyo madaxbannaanida dawladda Qadar.

“Waxaan soo dhaweynaynaa go’aanka ay dowladda Qatar qaadatay, waxaan u aragnaa in 13-kaa qodob ay ka hor imanayaan shuruucda caalamiga ah,” ayay wakaaladda wararka dalkaasi ee Anadolu kasoo xigatay madaxwaynaha.

Dowladda Turkiga ayaa taageertay Qatar, kadib markii Sucuudiga iyo dalal badan oo carbeed ay  u jareen xidhiidhkii  dalka Qatar iyagoo ku eedeeyay in ay dhaqaale ku taageerto kooxaha argagixisada, halisna ku tahay xasiloonida gobolka.

Dowladda Turkiga ayaa ciidamo u dirtay Qatar, kuwaasoo ay sheegeen in ay qeyb ka qaadan doonaan ilaalinta ammaanka gobolka.

Dowladda Qatar ayaa sabtidii sheegtay in shuruudaha ay dalalka Carbeed soo bandhigeen ay yihiin kuwo aan macquul ahayn.

“Liiskan dalabaadka ah wuxuu xaqiijinayaa wixii ay Qatar hore u sheegtay bilowgii, go’doominta sharci darrada ah waxba kuma soo kordhinayso la dagaalanka argagixisada, waa mid la doonayo in lagu carqaladeeyo madaxbanaanida Qatar iyo siyaasadahayaga arimaha dibadda,” waxaa sidaa lagu yidhi warqad kasoo baxay xafiiska wasaaradda arimaha dibadda dalka Qatar.

 

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ay dib u eegis ku sameyn doonto qodobada lasoo bandhigay, ayna diyaarin doonto jawaab rasmi ah kadib marka ay xaqiijiyeen Dukumintiga soo gaadhay.

 

“Dowladdu waxay haaatan darseysaa warqadda soo gaadhay, dalabaadka ku jira warqadda iyo halka ay salka ku hayaan, si aan u diyaarinno jawaab ku haboon islamarkaana aan jawaabtayada u gudbinno dowladda Kuwait,” ayaa lagu yidhi warbixinta kasoo baxday wasaaradda arimaha dibadda dalkaasi.

 

Kuwait ayaa ah dalka wada dadaallada la doonayo in lagu dhexdhexaadiyo dowladda Qatar iyo dalalka kale ee carbeed  xidhiidhka u jaray ee uu hoggaaminayo dalka Boqortooyada Sucuudigu.

Walina waxaa taagan xaalad adag oo u dhaxaysa Qatar iyo dalalka Go’doomiyay taasoo aanay muuqan wax isu soo dhawaansho ah oo dhinacyada ka soo muuqda.

 

Xogsoormedia.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland