Hargeysa (Xogsoormedia.com) –Adeegga internetka ayaa ka maqan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo qeybo ka tirsan Maamul guboleedyada Soomaaliya,taasoo saamayn ku yeelatay wada xidhiidhkii bulshada Soomaaliya ee dhanka Internetka.
Masuuliyiin ka tirsan shirkadaha bixiya adeegga Internetka oo warbaahintu ay wax ka waydiisay adeegga Intertenka ee ka maqan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo deegaano badan oo ka tirsan Soomaaliya ayaa sheegay in ay jirto cilad dhanka Satalaydka ah.
Isla markaana gacanta lagu hayo oo gacanta lagu hayo,cilladda adeegga Internetka ee ka maqan Soomaaliya oo aan ku koobnayn Muqdisho balse ka jirta magaalooyin badan oo kale oo Soomaaliya ka tirsan,ayaa sidoo kale magaalooyinka uu ka maqan yahay waxaa ka mid ah xarunta Maamul goboleedka Jubaland ee Kismaayo iyo deegaanada hoos yimaadda.
Masuul ka tirsan shirkadaha bixiya adeegga Internetka magaalada Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in Internetku ka go’an yahay xarunta Soomaaliya ee Muqdisho oo ay ka warsugayaan loona sheegay in cilladdaasi ay tahay mid ka jirta dhanka Satalaydka loona sheegay in gacanta lagu hayo.
waxaanu yidhi “Walaalow cillad dhanka sateliteka ayaa jirta, xarunta weyn ee Muqdisho ayay ka jirtaa, waxay noo sheegeen in ay wadaan sixitankeeda, saacado kadib waxaan rajeeyneynaa in uu hagaago,”
Internetkii Shirkadda Hormuud ayaa sidoo kale hawada ka maqan, iyadoo masuuliyiinteedu ay sheegeen in ay socdaan dedaallo lagu saxayo.
Shirkadaha Hormuud iyo Global oo ka mid ah kuwa bixiya adeegga ugu badan ee dhanka internetka ee gobollada Soomaaliya ayaa gabi ahaanba hawada ka maqan ilaa xalay saqdii dhexe.
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland