W/wararka(Xogsoormedia.com):- Isbahaysiga dawladaha Khaliijka ee uu hoggaaminayo dalka Sucuudigu ee xayiraadda ku soo rogay dalka Qadar,ayaa ku xidhay 13 qodob oo shuruud u ah in ay xayiraadda ka qaadaan.
Qodobada ugu waawayn ayaa waxaa ka mid ah in dawladda Qadar ay xidho Tlilishanka Al-Jaziira oo xaruntiisa guud ay ku taallo dalka Qadar.
In ay bixiso lacag magdhaw ah oo aan qadarkeeda la sheegin iyo in ay xidhiidhka u jarto dalka Turkiga iyo ururada Akhwaanu Muslimiin,xamaas ,Al-Qaacida iyo ISIS.
13ka Shuruudood ee lagu xiray dalka Qadar
Sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee AP, shuruudahan ayaa lagu xiray Qadar:
Inay xidhiidhka oo dhan u jarto kooxda Ikhwaanu Muslimiinka oo dalalka kale ee Carabta laga mamnuucay
Inay si deg deg ah u xirto xarunta milatariga ee uu Turkiga ka dhisayo gudaha Qadar, xiriirka wadashaqeynta milatari-na ay u jarto dalkaasi.
Inay xidho telefishinka Al Jazeera iyo laamaha warbaahineed ee xidhiidhka la leh.
Inay u diido inay dhalasho siiso muwaadiniinta afarta dal ee xiriirka u jartay, kuwa hadda joogana ay dalkeeda ka ceyrsio. Waxay sheegeen in taasi ay horseedi doonto in Qadar aysan faragelin ku sameyn arrimaha daakhiliga ee dalalkaasi.
Inay dalalkaasi ku soo wareejiso shakhsiyaadka loo hayssta inay ku kaceen falal argagixisnimo ee dalkeeda ku nool.
Inay joojiso maalgelinta kooxaha ay Mareykanku ku sheegay inay yihiin argagixiso.
Inay macluumaad badan ka bixiyaan kooxaha mucaaradka ee ay Qadar maalgelisay ee ku kacsan sacuudiga iyo dalalka kale.
Inay joojiso maalgelinta kooxaha mucaaradka ku ah dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxrayn.
Inay u dhaqanto si waafqasan danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalalka ku jira Golaha Khaliijka.
Inay joojiso si dadban u maalgelinta warbaahinta sida Carabiya21 iyo Middle east Eye
Inay bixiso lacag ganaax ah oo aan la sheegin caddadkeeda oo ah magdhawga saameynta ka dhalatay siyaasadaha khaldan ee ay Qadar ku dhaqmeysay muddo sanado ah.
Inay 10 maalmood gudahood ku aqbasho dallabaadkan.
Inay aqbasho baadhitaanno iyo dabagal joogt ah oo lagu eegayo sida ay u fulineyso dalabaadkan bilaha iyo sanadaha soo socdo.
Shuruudahan ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson uu dalalka ay Qadar dariska yihiin ugu baaqay in dalabkoodu uu noqdo mid “sabab leh oo wax laga qaban karo”.
Saxafiyiintu waxay sheegayaan in jahwareer uu haysto Maraykanka oo raadinaya siddii uu ku xallin lahaa khilaafkan, taas oo ka dhalatay wakhtiga ay qaadatay in Sacuudiga iyo dalalka kale ay si rasmi ah u soo gudbiyaan waxa ay dalbanayaan
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland