Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasiirkii hore ee Waxbarashada Somaliland Axmed Yuusuf Ducaale isla markaana ka mid ahaa shaqsiyaadkii dhidibada u taagay hannaanka dawladnimo ee Somaliland ee ka soo bilaabay meel aanay waxba jirin oo eber ah,ayaa ka hadlay qodob ku jiray heshiiskii ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Khaatumo kaasoo ah furitaanka Dastuurka Somaliland.
Waxaanu Axmed Yuusuf Ducaale tilmaamay in Somaliland guulo badan oo wax ku ool ah in ay gaadhay mudadii ay jirtay loona baahan yahay in laga ilaaliyo wax kasta oo guulaha la gaadhay dhibaato ku noqon kara oo is hortaagi kara in hore loosii socdo isla markaana sababi kara dib u dhac iyo xagal daac ku yimaada Qarankan isku tashaday ee aayihiiisa gartay.
Waxaanu sidaa ku sheegay qoraal uu soo saaray oo nuqul ka mid ahi uu soo gaashay xarunta warabadka ee Xogsoormedia.com
Waxaanu ku bilaabay Qoraalkiisa wasiirkii bud dhigga u ahaa tacliinta Somaliland sidan.
Erey meesha ku jira.
Mahadi Eebeheen bay u sugnaatee, 26-kii sano ee u dambeeyey Jamhuuriyada S/Land guulo badan ayaa usoo hoyday . Inagoo Eebeheen u mahad naqayna, guulahaa in aynu ilaashanaa waa waajib qof qof iyo xukuumadba inna saaran .
Anoo soo koobaya guulahaa waxaa ka kow ah iyada oo ay bulshada J.S.Land guud ahaan nabad kuwada noolayd, meeshay shaqaaqo ka dhacdana dowlad iyo dadba loo gurmanayey si shaqaaqadaa loo damiyo. Taa waxaa raacisaa shirarkii loo dhamaa ee lagu dhisay Jamhuuriyadan S/Land ee manta 26 jirsatey . Kadib qaab beeleedkii aynu Jamhuuriyada S/Land ku aas aasnay waxa ay ka fursan weydey si aynu dowlad casri ah aynu u dhisno , in aynu dejino Dastuur, kaas oo lagu ansaaxiyey afti dadweynuhu qof qof ugu codeeyey .May 201 .
Waxa xigtay iyadoo dhidibada loo sii aasayo dhaqankaa Dimiqraadiga ah, in aynu galay sida dastuurku tilmaamayo marxalaadii xisbiyada tirade badan”; taasaynu ku galay inaga oo 3dex xisbi ah doorashadii Dowladaha Hoose 2002, tii Madaxweynaha 2003 tii golaha wakiilada 2005, marlabaad tii Madaxweynaha 210, Dowladaha Hoose iyo tii Madaxweynaha mar 3aad taas oo aynu fileyno in ay dhacdo November 2017 .
Waayo aragnimadaa geedi socodkaa dimuqraadi ku dhaqanka ah iyo dastuur aaminka in aynu sii kobcino oo aynu ku fara adeygno mooyaane ima muuqato in ay manta timaado dood iyo waxtabasho inoo baahisa dastuurka oo aynu furro ama farafareyno .
Hordhacaa dheer waxaan uga goleeyahay marka aynu manta ku heshiino aynu saami qeybsi ku wadaagno fulinta xeer deginta ,garsoorka iyo hayadaha Dowliga ah macnaheedu miyaanu ahayn inaga oo qabaa il ah aynu qeydhiinka ku qeybsano dhugta oo dhuuxa 4.5 waxa ay Federalka iyo Koonfur ku hayso marka ay saami qeybsi timaado golaha wakiilada dadkaa latirin gobol walba tiradiisu inta ay u goyso ayuu golaha wakiilad ka heli . Golaha Guurtida xeerka lagu dhisayo ha loo dhamaado . Golaha Wasiirada Gobol waliba waa inoo ka muuqdaa waa inuu si uu isu dheelitiro uga muuqda. Dowlad casri ah oo aduunka la socota haddii aynu doonayno( reer hebel iyo reer hebel ) Hoos haloo dhigo dastuurkaas oo manta lafuraa waa S/Land reer hebel iyo reer hebel haloo kala caro taasna qofna ma dhaqaysii Dastuurkii yaan lafurin kaasa isku keen hayee. Lasoco. marka aynu manta ku heshiino
By: Ahmed Yuusuf Ducaale
asabeyse@hotmail.com
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland