Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Shirkadda Dahabshiil Group laameheeda kala duwan ayaa doorwayn ka qaadanaya soo uriirinta iyo gaadhsiinta gargaar kaalmo ah oo loo uruurinayo dadka abaaraha ku caydhoobay ee Soomaalida ku dhaqan dhulalka Geeska afrika ah.
Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Group Macdirashiid Maxamed Siciid Dahabshiil,ayaa sheegay in guud ahaan shirkadda Dahabshiil Group qaybaheeda ganacsi ee kala duwani in ay mar kasta diyaar u yihiin in ay gacan ka geystaan dhibaato kasta oo soo gaadha dadka Soomaalida ah deegaankasta iyo meel kasta oo ay ku sugan yihiin isla markaana ay ka qayb qaaddato soo kabashada nolosha dadka markay xaaladi soo korodho.
Waxaa kale oo uu Cabdirashiid Dahabshiil uu intaa raaciyay in Shirkadda Dahabdhiil Group imika ay ka qayb qaadanayso soo uruurinta deeq kaalmo ah oo ay iska kaashanayaan ururka Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta isla markaana ay kala shaqaynayso soo uruurinta lacagahaas iyo gaadhsiinta deegaamda loogu talo galayba.
Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in ay ka shirkad ahaanna si gaar ah dhankooda uga qayb qaataan arimaba aadaminimo ee guud ahaan looga baahan yahay deegaanada iyo dalalka kala duwan ee ay ka shaqeeyaan guud ahaan dahabshiil Group
Haddaba halkan ka dhegayso waraysi laanta afka Somaliga ee Idaacadda BBC-da uu siiyay Cabdirashiid Dahabshiil oo uu arrimaha kaga hadlay
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland