Hooyo Somaliyeed Oo Magaaladda Oslo Mindi Lala Dhaawacay

0
333

Oslo(Xogsoormedia.com): –  Hooyo Somaliyeed oo ku nool magaaladda Oslo ee dalka Norway, ayaa shalay laba nin oo u dhashay dalkaasi ay mindi ku weerareen soona gaadhsiiyeen dhaawacyo.

Hooyada Somaliyed ee mindida lagu dhaawacay ayaa loola cararay xarunta gargaarka degdega ah ee magaalada Oslo oo lagu dabiibayo dhaawacyada ay soo gaadhsiiyeen labada nin ee gurigeeda ku weeraray

Haweeneyda  dhaawacyada lasoo gaadhsiiyay oo uu  wariye ka tirsan shabakada Ramaasnews kula kulmay xarunta gargaarka deg degga ah ee dhaawaceeda lagu dabiibayay oo uga warantay siday wax u dhaceen,ayaa u sheegtay in lagu soo weeraray iyadoo gurigeeda hor fadhida  shalay galinkii hore  isla  markaana ku foorarta Taleefankeeda gacanta in laba nin oo mindiyo ku hubaysani in ay weerar ku soo qaadeen isla markaana dhawr goor mindiyo ku dhufteen oo ay soo gaadhsiiyeen dhaawacyo kala duwan

Hooyo Safiya Ciise  iyadoo ka warameysa siday wax u dhaceenna  waxay tidhi

“Anniga oo kow iyo tobankii barqanimo fadhiya kaabada gurigayga kuna foorara taleefankayga gacanta,  ayaa waxa isoo duljoogsaday labadan nin. Haddii aan sare u eegay mid kamida ayaa igu yidhi erayo muuqaalkeyga iyo diintayda uu ku caayayey kii kalena gacanta ayuu mindi iga geliyey oo haddana mid labaad igu dhuftay. Waan istaagay oo haddana kii kalaa qoorta gacanta igaga qabtay oo intu gidaarka dib iigu riixay igu ceejiyey. Annigu markaas waxan bilaabay in aan iska difaaco oo iska furfuro gacmihiisan uu igu ceejiyey, ayaa kii kale Mindi saddexaad igaga dhuftay gacantii aan iskaga furfurayey. Kadib waxan sare ugu qayliyey Help! Help! Help!.  Markaas ayaa waxa qayladeydii maqlay oo soo cararay nin meel naga durugsan joogay, kii i ceejinayey ayaan gacan ka qaniinay. Kadibna intu isii daayey ayuu cararay,  kii kale ayaa intu mindidii igu sii dhuftay isna ka daba cararay.  Dabadeed waxa isoo gaadhay ninkii iisoo gurmaday, isaga ayaana booliska u wacay ayey hooyadaasi hadalkeedii kusoo gabogabeysay.”

 

Xogsoormedia.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland