Hargeysa(Xogsoormedia.com):- ALLE ha u naxariistee Sadex Ruux ayaa ku geeriyooday shil laba baabuur oo galabta isku dhacay dhinaca galbeed ee caasimadda Hargeyasa gaar ahaan agagaarka Kaantaroolka galbeed ee laga soo galo magaalada.
Shilka labada Baabuur ee dhimasahda sababay oo galabta casar liiqi ka dhacay duleedka magaalada Hargeysa gaar ahaan Kaantaroolka Galbeed ayay ku geeriyoodeen sadex qof oo dhammaantood la sheegay in ay saarnaayeen labada gaadhi ee isku dhacay oo kala ahaa Tagsi nooca loo yaqaan Marki 2-ga iyo gaadhi wayn oo xammuul ah ALLE ha u naxariistee sadexda qof ee geeriyooday ayaa wada saarnaa gaadhita Marki 2-ga ah.
Shilkan baabuur ee saddexda qof ee ku geeriyooday ayaa kala ahaa Darawalkii gaadhiga waday,Nin askari ah iyo wiil dhalinyaro ah oo arday ah.
Sidoo kale shilkan ayaa waxa uu sababay khasaare hantiyeed ka dib markii shilkaasi uu sababay dab ka kacay gaadhiga wayn ee Waaraadka ah,waxaana markiiba goobta gaadhay ciidamada Dab-damiska kuwaasoo bakhtiiyey dabkii ka kacay gaadhiga Wayn.
Gabagabadiina shilkan baabuur ee maanta casar liiqi dhacay waxa uu ahaa mid aad u naxdin badan,waxaana maydadka sadexda Marxuum lasoo gaadhsiiyey cisbitaalka magaalada Hargeysa.
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland