Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Ka Hadashay Dil ka Dhacay Hargeysa: Ehelada Marxuumka Dhintay oo sheegay in aanay aasayn Meydka

0
363

 Ehelada Marxuumka Dhintay oo sheegay in aanay aasayn Meydka

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Arrimaha Gudaha Somaliland,ayaa ka hadashay dil ka dhacay Hargeysa oo uu ku dhintay Marxuum Ismaaciil Muuse Weyd isla markaana uu ku dhaawacmay wiil uu dhalay oo la yidhaahdo Cabdiraxiin Ismaaciil Muuse Weyd.

Wasirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon) oo khadka taleefanka ugu warramay  shabakada wararka ee Xogsoormedia.com,ayaa sheegay in dilkaasi markii uu dhacayba ay ciidanka boolisku ka hawl galeen  kuna daba jiraan gacan ku dhiiglihii falkaa geystay sidii loo soo qaban lahaa.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in ay  dawladdu soo xidhay ehelada eedaysanaha dilka gaystay si loo ilaaliyo nabadgelyada iyo in aanay shaqaaqada  masiibada ah ee dhacday in aanay sabababin dhibaato kale.

Waxaanu Wasiirka oo arrimahaa ka hadlay uu yidhi. “Dilkaasi markii uu dhacay ciidanka ammaanku wuu ka hawl  galay waxaanay sameeyeen  hawlgal iyo baadidoon wayn  meel kasta oo uu galona ciidanku kama daba hadhi doonaan, dilkaasin markii uu dhacayna waxaa kale oo ciidanka ammaanku ay falkaa u soo xidheen dhawr qof oo ehelada eedaysanihii falka geystay ah,dawladda iyo ehelada qoyska geeridu ku dhacdayna waxay ka wada shaqaynayaan sidii dhibaatadaasi aanay saamayn kale u yeelan karin ee loo dejin lahaa xaaladda ciidankuna kama daba hadhayaan gacan ku dhiiglaha meelkasta oo uu tago.”

Wasiirka oo ka hadlayay falka uu geystay gacan ku dhiigluhu waxaa uu yidhi. Ninka falka geystay waxaa uu toogasho ku dilay nin weyn waxaanu dhaawacay wiil marxuumku dhalay waanu baxsaday waxaanu falkaasi ahaa mid uu geystay shaqsi  kali ahi oo  cid kale xidhiidh la lahayn, ninka geystayna waxaa la sheegay in uu ahaa nin shakaaki ah oo shaki uu qabay uun wax ku dilay.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxaa kale oo uu farriin u diray cid kasta oo gacan ku siisa in uu baxsado gacan ku dhiiglaha falkaa geystay taasoo uu sheegay in ay marar badan dhacdo in dadka qaar ay isku dayaan in ay la baxsadaan qof faldambiyeed weyn geystay oo ay hab qabiil ugu gargaaraan in uu sharciga ka baxsado,waxaanu yidhi Wasiirku.”marar badan waxaa dhacda in dadka qaar ay isku dayaan in ay caawiyaan qof geystay faldambiyeed aad u weyn oo illaa heer dil gaadhsiisan oo ay sharciga kala baxsadaan waxaan uga digayaa cid kasta oo falkaasi uu ku caddaado oo gacan siiya gacan ku dhiiglaha dilka geystay waxaanu u aqoonsan doonaa cidkasta oo dambiile isku dayda in ay sharciga  kala baxsato in ay dambiile tahay waxaanan bulshada  farayaa in ay gacan ka geystaan soo qabashada cid kasta oo dambi gasha oo uu ugu horreeyo gacan ku dhiiglaha dilkan geystay taasoo ay ku jirto nabad gelyadeenu mana aha in qof dambiile ah  oo naf xaqdarro ku dilay in aynu sharciga kala baxsano oo qabiil iyo wax aan meel inna geynayn aan ku garab istaagno,iyadoo waliba lagu gudo jiro maalmihii ugu khayrka badnaa ee ugu dambeeyay bisha barakaysan ee Ramadaan.”

Dhinaca kale helelada Marxuumka dhintay ayaa sheegay in aanay aasi doonin Meydka Marxuum Ismaaciil Muuse Weyd oo  Meydku uu tallaadaga Cisbitaalka  guud ku jirayo  iyagoo sheegay in ay ka war sugayaan in marxuumkii dilka geystay la soo qabto.

Wixii warar ah ee ka soo kordha dhacdada dilkaa kala soco Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland