Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guud ahaan Ummadda Islaamku waxay rumaysan tahay oo xaqiiq u ah wax kasta oo ALLE iyo Rasuulku(SCW) u sheegeen in ay sax yihiin oo ay jiraan sial markaana ay sugan tahay.
Haddaba waxaa uu Rasuulkeennu (scw) innooga digay fitnada Masiixul Dajaal iyo halisteeda,waxaanu Nabigeenu (csw) inoo sheegay in Masiixul Dilaaj uu ka mid yahay astaamaha saacadda Qiyaame isla markaana uu yahay nin fasahaadin doona dhulka inta uu gaadho waxaanu Nebi Muxamed(CSW) inoo dardaarmay in aynu ku adkaano diinteena oo aynu ALLE ka magan galno.
Waxaan haddaba halkan idiinku soo gudbinaynaa Muxaadaro kooban oo aanu ugu talo ganay maalmaha ugu dambeeya ee Bsha Barakaysan ee Ramadaan in aynu isku baraarujino arrimaha xaqiiqada ah ee ALLE iyo Rasuulkeenu(scw) inoo xaqiijiyeen jiritaankooda iyo sidii aynu ALLE uga magan gali lahayn masiibada Dajaal.
ALLE ha inaga badbaadiyo dhammaanteen e waxaana Muxaadaradan inoo soo jeedinaya Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo si qoto dheer uga hadlaya koobnaanta aqoonta dadka iyo sida aanay u heli karin wax kasta oo ku sugan kitaabka ALLE iyo axaadiista Rasuulkeenna(scw0 iyo sida ay been u tahay in satalaadyada lagu wada ogaan karo xaqiiqo kasta oo dhulka guudkiisa iyo hoostiisaba ah.
ALLE ha ka abaalmariyo sheekha dhammaanteena ha innaga adbaadiyo masiibada Masiixul Dajaal ee ka faa,iidaysi wanaagsan.