Soomaaliya oo Eriday Masuulka Ugu Sarreeya Hay’adda FAO Dalkeeda oo ay Dhaqan Xumo Ku Eedeysay

0
262

Muqdisho (Xogsoormedia.com): – Dowladda Federaalka Soomaaliya,ayaa dalkeeda amar lagaga saarayo ka soo saartay wakiilka Hay;adda qaramada Midoobay ee beeraha iyo Cuntada ee FAO Richard Trichard.

Richard Trichard ayey dowladdu ku eedeysay inuu gaystay dhaqan ka baxsan xirfadda oo meel kadhac ku ah hay’baddii iyo sharaftii wakiilnimo ee Soomaaliya.

Warqad ka soo baxday wasaarrada arimaha dibada Soomaaliya islamarkaana ku soctay wakiilka QM Soomaaliya iyo hay’adda cuntada iyo beeraha u qaabilsan UNka ee FOA ayaa loo  soo gudbiyay cabashada dowladda Soomaaliya ee la xidhiidh Richard Trichard.

‘’Wakiilka waxaa uu la yimid hab dhaqan iyo aqlaaq aad u liidata taa oo wax u dhintay xiriirka hay’adda FOA iyo dowladda Soomaaliya ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay wasaaradda arimaha dibada Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay dawladda Soomaaliya ku eedaysay Trichard in uu ku kacay hab dhaqan ixtiraam darro iyo anshax xumo ku ah xubno ka mid ah madaxda dawladda oo ay ku jiraan wasiirro.

Dhinaca kale Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dawladda Soomaaliya in wada hadal uu u socdo arrinta  lagu xallinayo.

Dawladda Soomaaliya,ayaan si cad u sheegin masuulka  qaramada midoobay ee ay eedeeyeen falalka uu ku kacay waxaase ay ku gaabsadeen in uu ku kacay arrimo ay ku sheegeen dhaqan xumo iyo ixtiraam darro uu kula kacay madax dawladda ka tisan

 

 

Xogsoormedia.com

Hargeisa Somaliland