Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Markasta iyo xaalad kasta waxaa waajib innagu wada ah in aynu is xasuusino kuweenna baahan ee waayaha nololeed ee ay ku sugan yihiin ay yihiin xaalado baahiyeed oo daran si aynu u noqono kuwo isu damqada waxna is tara oo ka war haya intooda baahan ee inala nool isla markaana inna soo eegaya inteena faraxsan ee badhaahadhaha ku iidaysa.
Maalmaha Ciida inteena awooda waxaynu ka farxinaa ubadkeena oo aynu maalmo ka hor u galnaa suuga si aynu ugu soo iibino dhar iyo labisyo qurux badan oo ay farxadda ciidda ku labistaan waxaanan u diyaarinaa goobihi aynu geyn lahayn ee ay ku soo damaashaadi lahaayeen maalmaha ciidda,iyagoo ay jiraan ubad aan helin ama aan haysan inta ay ubadkaagu haysntaan,haddaba qormadan oo uu sanad ka hor xilligan oo kale uu qoray wariye Axmed Cismaan Batuun oo uu mar mar labaad sanad ka dib ku soo celiyay ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa waxaanay si qoto dheer uga haydlaysaa in awlaaddaada ay la nool yihiin oo ay eegayaan ubad aan waali lahayn ama aanu waalidkoodba awoodin inta aad ubadkaaga u awoodday oo inna soo eegaya waajibna ay tahay in aynu ka wada farxino ubadkeena iyo kuwa kaleba,haddaba aan idiin kala boxo akhristeyaal qormadan Wariye Axmed Cismaan Batuun iyo idinka waxaanan filayaa in aad noqon doontaan waalid ka wada farxiya ubadkiisa iyo kuwa kaleba
23-June-2016 Laguna jiro xiligan oo kale ayaan qoray maqaalkan waxaanan hubaa in isla maantana ay jirto baahi iyo duruufo sidan oo kale ah haddii aanay kaba sii adkayn noloshu maanta fadlan aynu u dhug yeelano arrintan.
Waxay ku bilaabmaysay sheekadu sidan:-
Aabahay wuu dhintay waxaanu nahay afar caruura hooyadayna ma hayso lacag ay dharka ciidda noogusoo iibiso dee markaa ciidda waxaan maydhanayaa dharkii aan xidhan jiray……….!!!
Adigu ma dharbaad noo iibinaysaa adeero Maxaad su,aalaha ii waydiinaysaa..?
Anigu ma haysto dhar aan ku ciido laakiin ilaahay ayaa isiin doona,hooyadayna way dhimatay aabona wuu xanuunsayaa oo wuu xidhxidhanyahay…………!!!!
Hadaladan waxaan ka qoray laba caruura oo yaryar oo saaxiib ku ah duruufta wehel la,aanta nolosha oo aan si ku talo gal ah ugula kulmay magaalada hargaysa.
waa barqo,saacaddu waxay qoraysaa 10:15 waxaan marayaa mid ka mida jidadka waawayn ee suuqyada hargaysa oo laga dareemayo diyaargarawga ciidda ramadaanta ma jiro ujeedo aan ahayn inaan bulshada u bandhigo codka caruuraha danyarta ah ee aan haysan wax ay ku farxaan maalmaha ciidda oo aan u tagay suuqa,sidaasoo ay tahay durba waxaan ku guulaystay inaan la kulmo qaar ka mida ubadkan anigoo la sheekaystay.
Intii aan suuqa marayay waxaan xasuustay xaafado badan oo ay degenyihiin danyartu oo laga yaabo in aan qaarkood sadexda waqti wada helin kuwaasoo ciidiina kusoo dhawaatay isla markaana aan jawaabo u hayn su,aalaha ay waydiinayaan caruurtoodu dantuna u run sheegtay,sidoo kale waxaa xusid mudan goobaha lagu xanaaneeyo caruurta iyo ubadka darbi jiifka ah ee suuqyada buuxa ee daawanaya waalidiinta ubadkooda gacanta haya ee uga dukaamaynaya suuqyada una iibinaya dharka iyo agabka ciidda ramadaanta iyadoo aad dareemayso in caruurtaasi ay is waydiinayaan su,aalo ay ka mid yihiin(adigu maxaad u heli wayday cid ku kaxaysa oo dharka ciidda kuusoo iibisa)
Muuqaalada qoraalkani sawirayo oo aad u kala fog ayaa waxaa geesta kale xusid u baahan in bishani tahay bisha taakulada masaakiinta waana waajibaad saaran islaamka iyadoo damqashada bulshada taagta daran ee inagu dhexjirtaa ay tahay mid inoo furaysa naxariista ilaahay ee aynu bishan gudeheeda ka dalbayno raxmaanka arlada taagay ee inagu eegaya sida aan ula dhaqanno dadka jilicda san ee bulshada ku dhex nool.
Hadii hadaba ubadkaagu helay fursad ka baajisa inuu su,aalo adag is waydiiyo isla markaana uu haysto waalid farxadiisa ka shaqeeya yaa u cid ah kuwa aan haysan waalid,kuwa gidaarada seexda kuwa danyarta ah ee waalidkood tahli waayay inuu ka farxiyo iyo masaakiinta……?!
Waa su,aalo damqaya damiir kasta oo nool isla markaana xasuusinaya waajibaadka ka saaran danyarta,waxaana ila quman inaynu xilkasnimo badan la nimaadno oo aynu caawino bulshada inala nool ee u baahan taageeradeena.
Mislimiinta qoraalkan akhrisata waxaan ku boorinayaa inay ka farxiyaan ubadka la mida kuwooda oo ay gacan siiyaan maalmaha ciidaha barakaysan waxaana la hubaa inay taasi tahay furaha farxaddeena guud iyo dariiqa aynu ku helayno liibaanta ifka iyo guusha aakhiro.
Waxaan halkan baaq uga dirayaa ganacsatada, qurbejoogta,qolqol joogta awoodi kara caawimada iyo qaybaha bulshada anigoo ku boorrinaya inay caawiyaan danyarta.
sidoo kale waxaan ka codsanayaa saxaafadda iyo culimada inay bulshada usoo bandhigaan codadka danyarta si ay u helaan caawimo.
Ugu danbayn waxaan ilaahay ka baryayaa inuu dariiqa toosan ina waafajiyo danbigeenana dhaafo.
Qalinka:Axmed Cisman Batuun
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland