Dawlada Itoobiya oo ka Hadashay Maalgashiga Dekedda Berbera

0
321

Djabouti(Xogsoormedia.com):-Dawladda Federaalka Itoobiya,ayaa ka hadashay mawqifkeeda maalgashiga dekeda Berbera iyo saamiga ay ku yeelanayso.

Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Axmed Shide oo socdaal ku jooga dalka Jabuuti kana qayb gelayay furiaanka deked cusub oo dalkaa laga hirgaliyay,ayaa sheegay in ay ka dal itoobiya ahaan soo dhawaynayaan maalgashiga dekeda Berbera isla markaana  ay ku yeelanayaan saami maalgashiga dekeda Berbera.

Wasiir Axmed Shide oo Jabuuti kaga qayb galay furitaanka dekeda Tojara ayaa warbaahinta u sheegay inay soo dhawaynayaan maal gelinta dekeda Berbera balse uu wali wada hadal ka socda saamiga ay doonayaan inay ku yeeshaan waxaanu yidhi “Arinta ku saabsan saamiga aanu ku yeelanayno dekeda Berbera wali wada hadaladii ayaa socda, inaan maal gashano dekeda Berbera-na mawqif ahaan waanu taageersanahay aniga ayaana qaabilsan arimahaas oo wada hadal ayaa noo socda, maal gelinta dekeda Berbera ee ay wadaan DP World iyo dawlada somaliland waanu dhiiri gelinaynaa anaguna qayb ayaanu ka nahay, dekedana Itoobiya ayaa aad u adeegsan doonta.”

Wasiirka gaadiidka Itoobiya Axmed Shide oo hadalkiisa wata ayaa intaas raaciyey “Adeeg kaliya maaha ee maal gelintana inaanu qayb ka noqono ayaanu doonaynaa si hawlaha iyo arimaha maamulka dekedahana u fiicnaado oo uu faa,iido ugu yeesho dawlada Itoobiya, arinta dhamaystirka saamiguna wali waa wax socda oo la sii wado.”

Xogsoormedia.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland