Riyadh(Xogsoormedia.com):- Wefti ka socday dawladda Federaalka Soomaaliya oo heer wasiirro ahaa oo booqasho ku tegay dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa quus kala soo noqday dalkaas ka dib markii ay dawladda Sucuudigu shuruud ku xidhay kaalmo ay hore ugu ballan qaaday Soomaaliya in ay siinayso oo weftiga Soomaaliya u socday in lagu soo wareejiyo.
Weftiga Soomaaliya ka socday ee gaadhay dalka Sucuudiga oo meeqaam hoose lagu soo dhaweeyay oo ay qaabileen madaxda heeg gobo lee Riyadh,ayaa dawladda Sucuudiga u sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ku raacaan mawqifka ay ka qaateen dawladda Qadar ee lagu go’doominayo laakiin ay u socdaan in la siiyo kaalmadii Sucuudigu u ballan qaaday.
Laakiin madaxda boqortooyda Sucuudiga ayaa weftiga Soomaaliya u sheegay in waxkasta ay ka horrayso in ay marka hore la mawqif noqdaan oo ay ka mid noqoto Soomaaliya dawladaha go’doominaya dalka Qadar markaa ka dibna ay helayaan kaalmadii uu hore Sucuudigu ugu ballan qaaday in uu isku garab taago dawladda federaalka Soomaaliya.
Nin lagu magacaabo Ghaanim Ad-Dowsari oo ah nin Mucaarid ku ah Boqortooyada dalka Sucudiga oo ku nool dalka Ingiriiska isla markaana ka hadla waxyaabo badan oo uu ku dhaliilo dawladda Boqortooyada dalkiisa ee uu mucaaridka ku yahay oo ka hadlay weftiga Soomaaliya ka socday wixii ay kala kulmeen dawladda Riyadh,ayaa yidhi
“Sacuudi Carabiya waxay Dowlada Soomaaliya u diiday in ay siiso taageero dhaqaale illaa ay ka jareyso xdhiidhkeeda Qadar” ayuu ku yidhi qoraal uu ku soo qoray bartiisa Twitterka. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaa raaciyay : “Sacuudi Carabiya waxay wefdigii Soomaaliya ku tidhi: Xiidhiidhka u jara Qadar, waan idiin siineynaa wax waliba oo aad dooneysaan”.
dhinaca kale dawladda Soomaaliya ayaa markii ay dawladaha carbeed badankoodu u jareen xidhiidhka diblamaasiyadeed waddanka Qadar waxay ku dhawaaqday in ay arrintaa dhex dhexaad ka tahay isla markaana ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii wada hadal loogu dhammayn lahaa khiaafka ka dhex curtay Qadar iyo dalalka kale ee Carbeed
Dawladda Qadar,ayaa la sheegay in ay gacan wayn ku lahayd soo bixitaankii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ay aad u taageersanayd taasoo la sheegay in ay sabab u tahay sida dawladda Muqdisho ay uga hor iman wayday dalka Qadar.
Laakiin Soomaaliya ayaan dhinaca kale ka maarmi karin taageerada dhaqaale ee ay ka doonayso dalalka Carbeed ee Sucuudigu uu hoggaamiyo ee go.doomiyay dalka Qadar taasina waxay kaga xidhantahay in ay tuurto saaxiib gacan ka geystay soo bixitaankii Madaxweyne Farmaajo.
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland