Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Somaliland Ee SONYO Oo Ka Hadlay Dhalinyaro Reer Somaliland oo Lagu Haysto Liibiya Waalidka iyo Xukuumaddana Farriin u Diray

0
309

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Guddoomiyaha dallada dhalinyarada Somaliland ee SONYO Cabdicasiis Siciid Saalax ,ayaa ka hadlay dhallinyaro reer Somaliland ah oo ay gacanta ku hayaan magafeyaal ku sugan dalka Liibiya oo magafeyaashu ay  jidh dil u geysteen isla markaana la soo dhigay baraha bulshada.

Waxaanu farriin u diray Xukuumadda Somaliland iyo waalidiinta carruurta dhalay ,isagoo Xukuumada u soo jeediyay in ay wax ka qabato shabakado isku xidhan oo uu sheegay in ay jiraan shabakad siku xidhan oo xdhiidhsan Liibiya iyo illaa Somaliland taasoo uu sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto.

Waxaa kale oo uu u soo jeediyay  waalidiintu in ay ka war hayaan carruurtooda oo ay ogaadaan hadba waxay ku sugan yihiin oo ay toos ula socdaan  si ay u ogaadaan  waxkasta oo ay carruurtu ku sugan yihiin.

Haddaba halkan ka daawo.