Muqdisho(Xogsoormedia.com):- Dawladda Federaalka Soomaaliya,ayaa ka hadashay go’doominta la galiyay dalka Qadar iyo khilaafka diblamaasyadeed ee ka dhex curtay dawladaha carabta eek u wada jiray isbahaysiga la wada dagaalamayay kooxda Xuutiyiinta ee inta badan kacanta ku haya dalka Yemen.
Dawladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay ka soo saartay ku sheegtay in ay ka xuntahay khilaafka ka dhex curtay dawladaha carbeed waxaanay tilmaantay in loo baahan yahay in khilaafka lagu dhameeyo wada hadal iyo xal diblamaasiyadeed iyadoo ku talisay in loo maro ururrka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.
Waxaanay caddaysay in ay Soomaaliya diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii miis wada hadal loogu dhammayn lahaa khilaafka Siyaasadeed ee lagu go’doomiyay dawladda Qadar.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya oo lagaga hadlay go’doominta dawladda Qadar ay galiyeen dawladaha carbeed,ayaa u dhignaa sidan.
War Saxaafadeed (Faafin Degdeg ah)
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ay ka xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay Dowladaha Carabta ee walaalaha ah.
Dowladda federaalka waxaa ay dhinacyada ugu baaqeysaa in khilaafka lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham, iyada oo la adeegsanayo Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamcadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamku waxey diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii xal loogu heli lahaa khilaafkan Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay waddamada walaalaha ah.
Was-saxaafadeedka Soomaaliya,ayaa ah mid ay dawladda Federaalka Soomaaliya iskaga fogaysay in ay dhanna la socoto amma ay raacsan tahay waxaanay tilmaantay,dawladda Soomaaliya,ayaa qayb ka ahayd xubnaha isbahaysiga ah eek u wada jira dagaalka ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta ee uu Sucuudigu hoggaaminayo oo ay Qadar,ta la go’doomiyayna ay ka mid ahayd.
Soomaaliya ayaa ah dalka ay hadda isticmaalaysay hawadiisa shirkadda diyaaradaha ee dalka Qadar tan iyo intii go’doominta la saaray lamina garan karo saamaynta ay ku yeelan doonto dawladda u baahan taageerada carabta ee Soomaaliya gacansiin toos ah oo ay garab ku siiso dalka Qadar.
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland