Hargaysa(Xogsoormedia.com):- Xukuumadda Somaliland,ayaa iska hortaagtay socdaal shaqsi ah oo uu dibedda ugu bixi lahaa Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo safar gaar ah ku tegi lahaa dalka Kenya ka dib markii ciidanka waaxda Socdaalka Somaliland ay saaka iska hor taageen in uu dalka ka dhoofo.
Prof: Buubaa ayaa tilmaamay in sababta socdaalkiisa shaqsiga ah maanta loogu diiday in ay tahay jidgooyo loo galay iyo meel ka dhac xuquuqdiisa la isku hor taagay waxaanu intaa ku daray in dhamaan madaxda reer Somaliland oo dhami in ay ku safraan oo ay ku dhoofaan isla markaana ay haystaan baasaboorka Soomaaliya ka uu isagu haysto ee uu ku dhoofayayna uu ahaa kiiSoomaaliya wax uu kaga dawn yahay kiisuna aanay jirin baasaboorada ay madaxda kale ee Somaliland ay haystaan.
”waxa Aan u arkaa arinkaasi mid jid-gooyo ah oon aan aad uga xumay,saaka waxaana doonayay inaan dalka ka dhoofo aniga oo ku siijeeda magaalada Nairobi oo hawlo aniga ii gaar ah aan u tagayay,waxaanan leeyahay arintaasi waa mid aan munaasiba ahayn in ay I horistagaan ciidanka laanta socdaalka ee madaaraka hargaysi.sidaas ayaa uu yidhi ismaaciil hurre buubaa.
Dhinaca kale Xukuumadda Somaliland,ayaan ka hadal wali safarka shaqsiga ah ee ay iska hirtaagtay Ismaaciil Buubaa oo ka tirsan masuuliyiinta sar sare ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland