Xukuumadda oo Beesha Caalamka Kula Garnaqsatay Kala Duwanaanta Somaliland iyo Soomaaliya

0
365

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xukuumadda Somaliland,ayaa beesha caalamka kula garnaqsatay kala duwanaanta Somaliland iyo Soomaaliya, iyo sida ay Somaliland iyo Soomaaliya u yihiin laba xaqooqo oo kala duwan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ee socdaal ku jooga dalka  Maraykanka,ayaa beesha caalamka ku cannaantay sida ay Somaliland uga eexdeen iyo sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin

Waxaanu beesha Caalamka ugu baaqay in ay Somaliland qarannimadeeda aqoonsadaan isla markaana ay kala gartaan kala duwanaanta Somaliland iyo Soomaaliya oo laba dal kala ah.

Haddaba halkan ka daawo Wasiirka Arrimaha dibedda oo arrimahaa ka hadlaya.