Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka Hadlay Rabshad ka Dhacday Adhi Caddeeye’Nabadayna Beelihii ku Diriray Sool iyo Deegaano ay iskaga Dabqaadeen

0
336

“Israsaasaynta ka dhacday Adhi Caddeeye dhawr qof ayaa ku dhaawacmay ciidankuna way ka hawl galeen’ deegaanadii ay labada beelood ku kala qaxeen ayaanu isugu keenaynaa nabadna way noogu dhamaatay.” Wasiirka Arrimaha Gudaha

Laascaanood(Xogsoormedia.com):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon),ayaa sheegay  is rasaasayn ka dhacday degmada Adhi Caddeeye ee gobolka Sool in ay sababay dhaawaca dhawr qof isla markaana ciidanka booliska iyo  ciidanka qarankuba in ay ka hawl galeen  dadna loo xidh xidhay xaaladuna ay degen tahay.

Waxaa kae oo uu Wasiirku ka hadlay nabadayntii ay labadii beelood ee dirirtu ku dhex martay gobolka Sool halka ay marayso iyo deegaano badan oo ka tirsan gobolka Sool oo ay iskaga dabqaadeen kulammana ay kula yeesheen labada beelood   madaxdhaqameedkooda iyo magaalooyinkii colaaddu ay saamaynta ku yeelatay  ee lagu kala qaxay oo ay isugu soo celinayaan dadkii dirirtu kala rartay.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan isagoo ku sugan gobolka Sool.

Ugu horrayn wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay toogasho ka dhacday  degmada Adhi Caddeeye,ayaa yidhi. “Degmada Adhi Caddeeye is rasaasayn ayaa galabta(shalay) ka dhacday waxaana ku dhaawacmay dhawr qof waxaana halkaa ka jirtay xaalad laba beelood u dhaxaysay oo horena ay wax uga dhex dhaceen taasoo la xidhiidha arrimo deegaan iyo dhul waxaana hoe arrinta u galay madaxdhaqameed iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda markaa dhibaatadaa horena dawladdu way u gashay oo way isu keentay dhiacyadii ay wax ka dhx dhaceen imikana galabta(shalay)ayay wax dhaceen markaa tallaabadii ugu horrayay ee aanu qaadnay waxay ahayd in xaaladda gacanta lagu dhigo waxaanan hawl galinay ciidankii qaranka iyo booliska oo goobta gaadhay dad loo xidh xidhayna way jiraan intaa wixii ka dambeeyana aroorta(maanta) ayaa la gali doonaa waxaanan hadda u dirnay madaxdhaqameedkii deegaanka iyo labada dhinac oo aanu farnay in ay nabad gelyada ka sii hawl galaan oo ay ciidanka la shaqeeyaan.”

Wasiirka oo ka hadlayay nabadayntii labada beelood halkay u marayso  iyo socdaallo ay ku marayeen deegaano ka tirsan bariga gobolka Sool,ayaa yidhi. Dabataag shay(Dorraad) ayaanu marnay xalay(habeen hore) Saaxdheer ayaanu joognay caawana(xalay) waxaanu joognaa Dharkayn geenyo labadii deegaan ee labada belood ee colaaddu ka dhex dhacday labadoodi deegaan ayaanu midna xalay(habeen hore) joognay midna aanu caawa(xalay) joognaa waxaanna wadnaa in nabadu  ay noqoto mid waarta oo hirgasha waxaanan doonaynaa ni dadkaa walaalaha ah ee dhibaatadu ka dhex dhacday ay sidaa ku dhamaato sababtoo ah dhibaatada meesha ka dhacday waa mid sanada iyo dheeraad  soo socotay oo intaaba nabadayn laga dhex waday marar badana go’aamo la isla qaatay iyo tallaabooyin la qaaday waxbaa ka soo noqday markaa imika inaan loo kala tegin in dadkaa walaalaha ah la ala bogsiiyo qorshahayagu weeye waxaanu la kulanay madaxdhaqameedkii labada beelood dhankodana way ka go’antahay in lagu dhaqmo go’aamada iyo xukunka laga soo saaray dhammaynta colaadda sababtoo  ah waa colaad ay ku dhaawacmeen ugu yaraan dad ku dhaw 200 kuna dhinteen dad kor u dhaafay 80 qof xukunkii ka soo baxay iyo nabaduna in ay fusho ayaa ka go,an Xukuumadda waxaanan wadnaa in berry(maanta aanu isugu soo celino tuulooyinkii magaalooyinkii lagu kala qaxay ee dirirta colaaddu ay dadka walaalaha ah ku kala kaxaysay waana arrin ay ka wada shaqaynayaan culimo awdiin iyo madaxdhaqameed meelo badan oo Somaliland ah ka soo kala gurmaday iyo xukuumadda Somaliland.”

 

 

Xigasho W.Dawan

Xogsoormedia.com

Hargeisa Somaliland