“Waxaan uga diganaa goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay in ay suuqyada ku daweeyaan bukaanka shubanbiyoodka.”
“Tagaasida iyo gaadiidka gaarka ahna waxaan uga digaynaa in ay bukaanka qaadaan si aanu cudurku u sii fidin’ Sanaag kiisas yar ayaa ka jira oo ay wasaaradda gobolku ku filan tahay.” Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Waraysi gaar ah.
Burco(Xogsoormedia.com):-Wasaaradda Caafimaadka Somaliland,ayaa go’aammo ka soo saartay xakamaynta cudurka Shuban biyoodka lagu joojinayo sii fidiaankiisa waxaanay wasaaradda Caafimaadku ay intaa ku dartay in ay diyaarisay goobo badan oo lagu xakamaynayo xanuunka Shiban biyoodka.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Kaar(Xaglotoosiye) oo ku sugan magaalada Burco oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan,ayaa intaa ku daray in ay xakameeyeen sii fiditaanka xanuunka Shuban-biyoodku waxaanu farriin u diray guud ahaan bulshada gobolka Togdheer iyo bulshada reer Somaliland-ba.
Dhinaca kale waxaa uu digniin u diray dhammaan goobaha caafimaadka gaarka loo leeyahay oo uu faray in ay ka digoonaadaan in ay daweeyaan dadka uu ku dhacay shuban biyoodku.waxaanu tilmaamay in ay hoos u dhacday shalay tiradii u soo dhacaysay xannuunka oo uu sheegay in ay xalay goobaha gurmadka deg degga ah ee Burco loo diyaariyay in ay yaallaan 82 qof halka ay markii hore gaadhayeen 130 ruux.
“Waxaanu Burco ku diyaarinay 8 goobood oo lagu dawaynayo cudurka Shuban-biyoodka oo heegan ku jira waxaana goobahaa ku diyaar ah gaadiidkii lagu soo qaadi lahaa dadka buka xilligan aan kula hadlayana shuban-biyoodkiina hoos ayuu u dhacay oo caawa waxaa u jiifa 83 qof hoos ayaanu u dhacay waanan xakamaynaynaa dawooyin nagu fillanna waanu haysanaa maanta(shalay) waxaa timi diyaarad dawooyin ah mid kalena berry ayaanu filaynaa markaa waanu xakamaynayaa.”
Waxaa kale oo uu Wasiirka Caafimaadku uu ka hadlay laba nin oo farmasiiyo ku haystay magaalada Burco oo la xidhay waxaanu farriin u diray dhammaan dadka haysta goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay. “Waxaa jira in la xidhay maanta(shalay) nin oo farmasiiyo ku haysta magaalada Burco waxaanan uga digayaa dhammaan dadka haysta goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay in ay isku dayaan in ay daweeyaan dadka uu soo ritay shuban-biyoodku cid kasa oo go’aamada aanu soo saarnay u hoggaansami waydana allaabo ayaanu ka qaadaynaa, waxaa kale oo aan bulshada uga digayaa in ay guryaha ku sii haystaan qof shubmaya iyo in ay geeyaan Farmasiiyada waxaan u diyaarinay dadka 8 goobood oo lagu daweeyo markaa goobaha hala keeno oo marka ay dhakhaatiirta u keenaan dadku haka tagaan hana joojiyaan soo booqashada iyo gacan ku haynta dadka buka oo wax lala cuno oo la dhayal sado shubankiisa,waxaa kale oo aanu uga digayaa dhammaan tagaasida iyo gaadiidka gaarka ah in ay soo qaadaan taasoo keeni karta in bukaanku ku shubmo ki=ursiga gaadhiga ka dibna uu hadana gaadhiga ku qaado qof caafimaad qaba oo cudurka si yar ku qaadi kara,waxaa bukaanka u diyaar ah gaadiid soo qaada iyo xarumo lagu daweeyo markaa dadkeena oo ah dad wanaagsan oo isu damqada oo qofka xanuunsanaya soo booqda oo haya wanaan u sheegayaa in cudurkani uu ku fido nadaafad darrada iyo bukaanka oo meel lala joogo waxna la wada cuno oo kugu agshubma taana waa in laga fogaado.”
Waxaa kale oo uu intaa ku daray in ay kulan muhiim ah wada qaateen guud ahaan dhakhaatiirta gobolka Togdheer iskuna raaceen in ay meel uga soo wada jeestaan xakamaynta cudurka Shuban-biyoodka. “Waxaanu kulan muhiim ah wada yeelanay dhakhaatiirta gobolka Togdheer oo ay ku jiraan rag wasiirro hore uga soo noqday wasaaradda Caafimaadka waxaanan isla qaadanay in meel looga soo wada jeesto xakamaynta shuban-biyoodka.”
Ugu dambayn Wasiir Xaglotoosiye waxaa uu ka hadlay shuban-biyood lagu soo sheegay gobolka Sanaag,waxaanu yidhi. “gobolka Sanaag kiisas yar ayaa ka jira oo ay ku filan tahay waanan la soconaa xaaladda gobolka Sanaag waxaana noo qorshaysan in halkiisa lagu hakiyo oo aanu fidin ALLENA waxaanu ka baryaynaa in aanu halkaa nala dhaafin.” Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Xaglotoosiye oo khadka taleefanka ugu warramay wargayska Dawan isagoo ku sugan magaalada Burco
Xigasho Wargeyska Dawan
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland