“Waxaan Caddaynayaa In Aanan Habayaraatee Isticmaalin Adeegga facebook.” Guddoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka

0
461

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland  Daa,uud Axmed Faarax ayaa ka hadlay bog ka mid ah barta internetka ee Facebook oo lagu samaystay magaciisa.

Guddoomiye Daa,uud Axmed Faarax ayaa  si cad u  beeniyay in uu leeyahay adeegga Faceboog oo uu isticmaalo.waxaanu digniin adag u diray cid kasta oo falkaa ku kacday isal markaana magciisa sheegatay in ay tahay dambi aan lagaga hadhayn qofka lagu qabtana uu sharciga la tiigsan doono.

 

Waxaanu sidaa ku sheegay mar uu u warramay shabakada wararka ee Hadhwanaagnews.

Gudoomiye Daa,uud Axmed Faarax oo ka hadlaya bogan facebook ee magaciisa lagu samaystay ayaa,  yidhi “Waxaan caddaynayaa inaanan haba yaraatee isticmaalin adeega facebook isla markaana aanu jirin  magacayga iyo kan xafiiska imtixaanaadka aan ku samaystay bog ii gaar ah, balse waxaan arkay dad barta Facebook ku samaystay magacayga iyo xafiiska imtixaanaadka qaranka waxaanan cadaynayaa inaanan anigu isticmaalin bogaas facebook-ga ah, waxaanan  u sheegayaa dadka ficilkaas ku kacay inaanu  gacanta ku soo dhigi doono, anaga oo aan ka ogolaan doonin inay magacayga iyo kan xafiiska imtixaanaadka si qaldan u isticmaalaan.”

Gudoomiye Daa,uud oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Iyada oo xafiiska imtixaanaadku qaranku yahay mid xasaasi ah oo aan loo ogolayn in dhayal lagu isticmaalo magaciisa iyo magacyada masuuliyiintiisa, waxaan cadaynayaa inaan cidna looga dul qaadan doonin inay  ka been abuurtaan magaca xafiiska iyo kan masuuliyiintaba.”

Xigasho Hadhwanaag

Xogsoormedia.com

Hargeisa Somaliland