Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo ka Hadlay Nabadaynta Labada Beelood ee Ka Socota Sool

0
445

“Wax waliba si wanaagsan ayay u socdaan  labada beeloodna si fiican ayay u hadleen oo wixii la waydiiyo ay uga jawaabayaan.” Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Laascaanood(Xogsoormedia.com):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon,ayaa sheegay in ay si wanaagsan u socoto nabadaynta labada beelood ee dirirtu ku dhex martay gobolka Sool

Waxaa kale oo uu sheegay in aanay jirin Maxkamad labada beelood lagu kala saarayo oo gaar ahi,waxaase uu intaa raaciyay in lagu dhaqmayo shareecada Islaamku wixii ay ka qabto,dhaqanka  xeerkeenii dhaqanka iyo sharciga dawladda intaba in lagu kala saarayo oo aan midna laga tegayn.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu khadla taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan isagoo ku sugan magaalada Laascaanood.

Wasiirka oo ka jawaabayay,su’aal laga waydiiyay  halka  ay umarayso nabadaynti labada beelood ay ka dhxe wadeen,ayaa yidhi. “Meel fiican ayay noo maraysaa wax illaa hadda dhibaato ah oo ka taaganina ma jiraan wax walibana si wanaagsan ayay u socdaan labada beeloodna waxay muujiyeen niyad wanaag iyo siday ugu diyaarsan yihiin inay nabad gelyaa ka wada shaqeeyaan,taasoo ka go,an labada dhanba in ay ka wada shaqeeyaan waxaa kale oo dedaal dheeraad ah ku  jira oo xil weyn iska saarany hawshan gudiga dhex dhexaadinta ee hawsha ku jira oo ay ka go,an tahay in ay nabadaynta sida ugu habboon  labada beelood  ugu soo dabbaalaan.”

 

Wasiirka oo la waydiiyay in ay jirto Maxkamad lagu kala saarayo labada beelood,ayaa yidhi. “horta ma jirto  Maxkamad  noca loo sheegayo ah oo labada beelood loogu garnaqayaa laakiin waxaa loogu garnaqayaa arrintoodana lagu qaadayaa oo aan laga kala tegayn Shareecada Islaamku waxay ka qabto, xeerkii dhaqanka iyo xeerbeegtidii waxay ka qabto iyo xeerka iyo qaanuunka sharciga ah ee Dawladda Somaliland oo dhammaantoodba ah shuruucda aynu ku dhaqano markaa mid intaaba waafaqsan ayaa lagu kala saarayaa labada beeloodna si wanaagsan ayay uga hadleen oo wixii la waydiiyoba ay uga jawaabeen,markaa wax dhibaato ah oo mika jiraana ma taallo meesha nabadayn iyo wanaag ayaana  ka socota. Beeluhuna waa u diyaar nabadda dawladda iyo ergada culimada iyo madaxdhaqameedka abhana way ka go,antahay in ay nabad ku dhameeyaan arrinta labada beelood.”