Xukuumadda Somaliland oo ka Hadashay Dhimashada Laba Maxbuus oo Ku Geeriyooday Xabsiga Burco

0
465

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xukuumadda Somaliland,ayaa ka hadashay dhimashada Laba Maxbuus oo ku geeriyooday Xabsiga dhexe ee  magaalada Burco.

Labada  Maxbuus ayaa u geeriyooday xanuunka Shuban Biyoodka oo  ku dhacay,waxaanay ku dhex  geeriyoodeen   xabsiga magaalada Burco,halka  54   maxaabiis iyo 5 askari oo ka tirsan ilaalada Jeelkana ay xaaladooda caafimaad liidato.

Sidan waxa warbaahinta u xaqiijiyey wasaaradda Cadaaladda Somaliland oo war-saxaafadeed ay soo saartay ku shaacisay in laba maxbuus xabsiga Burco ugu dhex geeriyoodeen xanuunka Shuban Biyoodka oo ka dilaacay deegaanada gobolka Togdheer iyo gudaha magaalada Burco.

haddaba halkan hoose kaga bogo war-saxaafadeedka Wasaaradda Caddalaada.