Warqad Dhiirigelinaysa Horumarka Waxbarashada kuna Ladhan Yihiin Codsiyo oo Ay Salaadiinta Beellaha Arab U Direen Madaxweyne Siilaanyo

0
450

Hargeysa(Xogsoormedia.com): – Salaadiinta  beellaha Arab ayaa warqad  furan oo ay Madaxweynaha Somaliland u direen ayay kaga hadleen horumarka waxbarasahda Somaliland ay ku dhaqaaqday  intii ay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka dalka haysay iyo sida ay u tahay mid muuqata oo wax ku ool ah.

Waxaa kale o salaadiintu ay warqadooda kaga hadleen codsi ay ka dalbadeen Madaxweynaha Somaliland in uu wax ka qabto baahiyo dhaqaale oo soo food saaray dugsiyo waxbarasho.

Warqadda xambaarsan farriin isugu jirta hambalyo, bogaadinta  iyo codsigaba oo ay soo wada saareen Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale, Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdillaahi iyo Suldaan Cabdillaahi Axmed Cilmi kuwaasi oo ku socodsiiyey madaxweyne Siilaanyo waxaa ay sidoo kale uga mahad naqeen horumarka waxbarasho eeay xukuumaddiisu ka hirgelisay dalka muddadii lixda sanno ahayd ee uu hoggaankadalka hayay, kuwaasoo ay xuseen in markii ugu horreysay ay ardayda Somaliland  fursad u yeesheen  in ay geedi socodka tacliintooda kala socdaan manhaj waxbarasho oo qaranku leeyahay isla markaana xukuumaddu iskeed u daabacday halka waagii hore ay hay’ado ajanabi ahi gacanta ku hayeen daabacaadiisa.

 Madaxdhaqameedku waxay warqadda ay madaxweynaha u direen si gaar ah ugu  tilmaameen in horumarka waxbarasho ee dalka ay xukuumaddiisu ka hirgelisay ay kamid yihiin dugsiyo sare oo u soo kordhay deegaannada degmooyinka Axmed-dhagax iyo 31-ka May ee magaalada Hargeysa kuwaasoo ka hor hoggaamintiisa lahaa hal dugsi sare oo kaliya, balse immika ay saddex yihiin, waxaanay hirgelinta dugsiyaddaas sare ay hoosta ka xarriiqeen in ay door shariif ah ka qaateen wasiirradii u kala dembeeyey wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Md. Cabdillaahi Ibraahim Habanne (Cabdillaahi-dheere).

Nuxurka Warqadda Lagu Socodsiiyey Madaxweynaha ee ay salaadiinta beellaha Arab Saxeexeen oo nuqul ka mid ah warbaahintu heshay,ayaa  u dhignaa sidan.

Salaadiinta beellaha Arab

Ku: Madaxweynaha qaranka JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Og: Madaxweyne-ku-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Seylici)

Ujeeddo: Codsi Taageero Dugsi

Mudane Madaxweyne;

Ugu horeyn waxaanu kugu bogaadinaynaa horumarka dhinaca waxbarashada ah ee ay xukuumaddaadu ka hirgelisay guud ahaanba dalka, waxaa kale oo aanu kugu hambalyaynaynaa  in ay xukuumaddaadu ku dhiirratay hirgelinta manhaj qaran oo aynuiskeen ugu madax banaannahay. Waa guul taariikhi ah waana markii ugu horreysay eeayanu gacanteena ku daabacanno manhajka dalkeena, taas oo  marki  hore ay hay’ado ajenabi ahi daabacaadiisa gacanta innoogu hayeen. Waxa xaqiiqo ah in arrintaasi ay faa’iido weyn abuurtay, ardaydeenniina heshay buugaag qiimo  jaban oo ay wax ka bartaan.

Samsam Si gaar ah md. Madaxweyne waxaanu kuugu hambalyaynaynaa horumarka waxbarashada dugsiyada dawliga ah ee xukuumaddaasu ka hirgelisay deegaanka Axmed-dhagax iyo 31-ka May ee Hargeysa, intii aan xukuumaddaadu  dhalan, waxaa deegaankaas kajiray hal dugsi oo sare (Maxamed Axmed Ibraahim ‘Daybi-gurey’), waxaase lixdii sanno ee aad dalka hoggaaminaysay soo kordhay dugsiyada sare ee Quulle Aadan Dool, iyo Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, waxa aanusi gaar ah horumarkaa ugu bogaadinaynaa wasiirradii u kala dembeeyey wasaaradda waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Md. Cabdillaahi Ibraahim Habanne.

Haddaba, Dugsiga sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo furmay sanad-dugsiyeedkan 2016/17, waxaa uula kowsaday duruufo u gaar ah oo uukaga duwan yahay dugsiyada kal e ee dalka. Duruufahaas waxaa ugu mudan n uu dugsigu ku yaallo meel aad u durugsan oo ugu yaraan   8km u jirta magaallada iyo inaanay jirin macalimiiin u gunnaysan haba yaraatee.

Mudaddii uu dugsigani furnaa waxa kharash  badani ku baxaa  basaska ardayda qaada iyo gunnada macalimiinta, kuwaas oo u baahan in gacan dawladeedlagu maareeyo. Annagana madax-dhaqameed ahaan iyo dadweyne ahaanba waxaa naga go’an in aanuarrin iyo adduunba ka gaysanno sidii dugsigu cagihiisa isugu taagi lahaa.

Sidaasi darteed Md. Madaxweyne, waxa aanu si sharaf iyo qadarin leh kaaga codsanaynaa in adiga oo duruufahaas kor ku xusan tixgelinaya aad si hagar la’aan ah wax noogala qabatao qoddobadan:

In la gunneeyo dhammaan macalimiinta dugsiga wax ka dhiga, si looga maarmo kharashka macalimiinta ku baxa.

In Madaxweyne ahaan aad dugsiga u iibisid ugu yaraan afar bas oo ardayda qaada, maadaama immika kharash joogto ahi ku baxo basaska ardayda qaada.

 In dugsiga hore loo odhan jiray Xalane ee laga furay dugsiga Turkiga ah laga dhigo dugsi farsamo gacmeed, oo dhalinyarada dalka u abuura xirfado ay ku shaqaystaan, maadaama oo shaqo abuurka dhalinyaradu muhiimad weyn u leeyahay dalkeena.

 Ugu dembeyn  Md. Madaxweyne Waxanu rejo  badan ka qabnaa inaad codsigayaga tixgelin gaar ah siin doonto, waxaanu eebe kaaga baryaynaa inuucimriga, caqliga iyo caafimaadkaba kuu barakeeyo, waxqabadka hagar la’aanta ah ee aad ummada u samaysayna uu abaalmarinteeda kusiiyo.

Haddaba halkan kaga bogo qoraalka warqdada Salaadiintu Madaxweynaha u direen.

Allaa Mahad Leh

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax

Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdillaahi

Suldaan Cabdillaahi Axmed Cilmi

Waamarkii u horreysay ee madax dhaqameed reer Somaliland ahi ay arrimo waxbarasho iyo sidii loo horumarin lahaa talooyin ka soo jeediyaan isla markaana xukuumadda ka codsadaan in la guffeeyo baahiyo ka mid ah kuwa haysta ardayda.

Xogsoormedia.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland