Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Cabdilaahi Jibriil Gaaxnuug(Buraale),ayaa bixiyay maanta jawaab ka baxsan shaqadiisa ka dib markii uu u jawaabay dawladda dalka Ingiriiska oo ka hadashay arrimo ay ku so qaaday dalal ay Somaliland ka mid tahay.
Guddoomiye Gaaxnug oo ka mid ah masuuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha ee heer gobol shaqadiisuna ay tahay guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee Somaliland,ayaanay shaqooyinkiisa ugu jirin uu qabto hawlaha ay u igman tahay Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland laakiin guddoomiye Gaaxnuug waxaa uu u jawaabay Dawladda Ingiriiska oo uu waliba ula hadlay sidii uu ula hadli jiray wadhatada suuqa Hargesa.
Haddaba waxaa laga war sugayaa tallaabada ay ka qaadato Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland hadalka Guddoomiye Gaaxnuug.
Halkan hoose ka daawo hadalka Badhasaabka gobolka Maroodijeex ugu jawaabay dawladda Ingiriiska