Muqdisho (Xogsoormedia.com): – Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa laashay siddeed ka mid ah kuraasta aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya,waxaanay amartay Maxkamaddu in 8-da. Kursi mar labaad doorashadooda la qabto oo aanay waxba ka jirin doorashadii hore xubnaha ugu soo baxay ee hadda ku fadhiya kuraastaas muranku ka taaganyaha.
Waxaanay Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay amartay in dib loo qabto doorashada kuraastaan taasoo ay ku sababaysay soo gunaanadka dacwad qusaysay kuraastaas oo la soo gunaanaday kuna dhamaatay in mar kale doorasahda kuraastaas la galo taasoo ay ku soo saartay go’aan maxkamadeed.
Warqad ka soo baxday maxkamadda oo ku taariiikheysan 16-ka bishan May ayeey maxkamaddu ku sheegtay in kadib dacwo socotay in ka badan 5 bilood ay baabi’isay go’aankii xubnaha madasha qaranka iyo guddigii doorashada federaalka ee lagu fasaxay 8 kursi oo ka mid ahaa 11 kursi ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka horeyu laaleen.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in maxkamada sare ee Soomaaliya ay taageertay go’aankii guddiga xalinta Khilaafaadka ee ahaa in kuraastaas la laalo, islamarkaana dib loo galo doorasho cusub.
Maxkamada sare ayaa sheegtay in ay amreyso in dib doorasho cusub loogu tartamo kuraasta ay ku fadhiyaan xildhibaanada kala ah.
- Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir
- Maxamed Saciid Cabdullahi
- Maxamed Axmed Abdtidoon
- Nadiif Aadan Isaaq
- Muna Khalif Sheekh Abu
- Cabdicasis Salax Carmaan
- Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale
- Samra Ibrahim Cumar
Dadka maxkamadda u soo gudbiyey dacwadan ee ku dooday kuraasta sideedda ah ee maxkamadda ay amartay in dib loogu tartamao ayaa kala ah:-
- Muumino Sheekh Cumar
- Aadan Maxamed Cali
- Khaalid Cumar Cali
- Maxamed Mukhtar Ibrahim
- Boqor Cabdullahi Axmed Cali
- Malaaq Sidow Maadow
- Ibrahim Saalax Dayfullah
- Caasho Xaaji Cilmi
Go’aanka Maxkamadda sare ee Soomaaliya ka soo baxay ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee ay Maxkamadda sare ee Soomaaliya soo saarto isla markaana meesha ka saaraya xubno imika xildhibaano ah oo loo dhaariyay in ay ka mid yihiin baarlamaanka Soomaaliya in ay sharci darro ku tilmaantay ku fadhiga kuraastooda isla markaana amartay in mar kale doorasho loo soo galo boosaskaas.
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland