Daawo: Maxaa Lagu Qaabilayaa Bisha Barakaysan Ee Ramadaan? [MIDHAHA DIINTA]

0
430

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Waxaa inoo curatay oo caawa kow ah bisha barakaysan ee Ramadaan. Oo ah bil ALLE addoomihiisa muslimiinta ah uu ku waajibiyay in ay Soomaan oo ay ALLE dartii uga soomaan maalintii wax kasta oo ay ib iyo af ka quudanayeen.

Bisha barakaysan  ee Ramadaan oo ka mid ah rukunnada diinta Islaamka ee dadka muslimiinta ahi gutaan. Waxa la sugayey 11 bilood, iyadoo muslimiintu isu diyaariyeen gudashadeeda.

Maadaama oo loo badinayo

Haddaba waxaanu idiin soo gudbinaynaa  barnaamijka MIDHAHA DIINTA,  oo  ku saabsan qaabillaaddaa bisha Ramadaan iyo sida uu qofka muslimka ahi uga faa’idaysanayo khayrka Ramadaan. Waxaana soo jeedinayo sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun.

 

Guud ahaan bahda Xogsoormedia.com waxay idin leedahay Ramadaan Kariim ALLE Khayrkeeda ha inna wada waafajiyo oo bishan Ramadaan ha innooga dhigo mid shucuubta iyo quluubta ummadda muslimiinta ah midaysa oo xaqa qalbiyadeena ku sugta.

Waxaa naga xusuusin ah in Muxaadarada uu Sheekhu qabtay maalmihii inna soo dhaafay kuna baraarujinayay dadka u diyaar garawga khayrka iyo gudashada cibaadada bisha Barakaysan ee Ramadaan

Haddaba Daawasho wacan