Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo ka War Bixiyay Socdaal ay ku Joogaan Gobolka Sool iyo Xilliga ay Wadahadalada Nabadeed isku soo Hor Fadhiisinayaan Labada Beelood

0
331

“Caaqilku wuu fiican yahay ciddii toogashadiisa ka dambaysayna baashisteedii way socota.. waxaanu  u joogna in ay nabadu suganto waanan isku keenayna labada dhinac.” Wasiirka Arrimaha Gudaha waraysi gaar ah

Laascaanood(Xogsoormedia.com):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon,ayaa sheegay in xaaladda gobolka Sool ay hadda nabad gelyo tahay oo ay wanaagsan tahay isla markaana ay meel fiican u marayso nabadaynta ay ka dhex wadaan labada beelood ee wlaalaha ah ee shaqaaqada dadka badani ku dhintay ay ku dhex martay gobolka Sool.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in Caaqil dhawaan gobolka Sool lagu toogtay in  xaaladiisu ay wanaagsan tahay isla markaana lagu dawaynayo cisbitaalka  guud ee magaalada Burco.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Prof: Yaasiin waxaa uu  sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay khadka taleefanka ku siiyay  Wargayska Dawan isagoo ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ugu horrayn wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay xaaladda nabad gelyo ee gobolka iyo halkay hadda wax u marayaan,ayuu yidhi. “Imika xaalada guud ee gobolku waa nabad gelyo wax dhibaato ahina kama jirto waxyaabihi yar yaraa ee maalmihii dhawaa ka dhacayna waa la dhameeyay labada beelood ee dhibaatadu dhex martayna waanu is aragnay xaaladda in nabad gelyo lagu dhameeyo oo waxa ugu horreeya ee laga wada shaqaynayaa in ay nabad gelyada noqotona waanu isla qaadanay wax shaqaaqo ah oo imika ka taaganina ma jirto.”

Wasiirka oo la waydiiyay goorta ay isu keenayaan labada beelood ee dhibaatadu dhex martay ee ay isa soo hor fadhiisinayaan,ayaa ku jawaabay. “Horta waxaanu wadnay in xaalada nabadda laga wada shaqeeyo oo labada beelood dhankastaaba dhiniciisa nabad gelyada nagala shaqeeyo taana waanu isal qaadanay mikana waxaa noo qorshaysan in aanu sabtida ama maalinta ku xigta isu keeno oo gogol soo wada fadhiisino iyadoo ay arrinta ku jiraan oo ay gacanta ku hayaan gudiga nabadaynta ah ee ka kooban madaxdhaqameedka,culimada iyo Xukuumaddu una kala tegi mayno waxaanu halkan(Laascaanood) u joognaana waa in  nabad waarta oo aan wax shuruuda ah lagu xidhin markaa hawshu meel wanaagsan ayay noo maraysaa waxaanan aniga iyo wasiirada kale ee ila socdaaba u jooganyaa iyadoo ay Ramadaan soo gelayso waa dhammaystirka nabadda labada beelood.”

Wasiirla oo la waydiiyay ciddii ka dambaysay toogasho dhawaan gobolka Sool loogu geystay Caaqil deegaanka ka soo jeeda,ayaa yidhi. “Horta waxaa ALLE mahaddii ah Caaqilkii muu dhiman oo wuu nool yahay xaaladiisuna way wanaagsan tahay imikana odhan maayo ciddaas ayaa toogashadaa geysatay oo waxaa kiiskaa gacanta ku haya laamaha ammaanka caaqilkana laba xabbadood  oo baastolad ah ayaa caloosha kaga dhacay waanu fiican yahay oo Cisbitaalka guud ee Burco ayaa lagu dawaynayaa ALLENA waxaan uga baryayaa in uu caafimaad taam ah siiyo oo uu ka kiciyo toogashadaa xaqdarada ah ciddii kiiskaa gaysatayna waxaa ku daba jira oo kiiskaa gacanta ku haya ciidanka baadhista dambiyada.”ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon) oo hoggaaminaya wefti wasiirro ah oo ku sugan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood oo kala ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon).Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Wasiirudawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees.

 

Xigasho W.Dawan

Xogsoormedia.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland