Riyadh(Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump,ayaa kulanka Maraykanka iyoMadaxda dunida Muslimka oo ka furmay caasimadda dalka Boqortooada Sucuudiga ka jeediyay qudbad aan lnooceeda oo kale hadalkiisa looga baran oo ka duwan dhammaan hadaladii uu hore Muslimka ugu dhaleecayn jiray oo ay ka mdi ahaayeen in Muslimku uu yahay cadawga Maraykanka.
Waxaanu Trump sheegay in loo baahan yahay in dunida Muslimka looga baahan yahay in ay la dagaalamaan argagixisada isla markaana ay ka xoreeyaan dalalkooda taasoo uu sheegay in Maraykankuna ay ku garab taagan yihiin.
Waxaanu yidhi “Tani ma ahayn dagaal u dhexeeya diimo kala duwan, kooxo kala duwan, ama ilbaxnimooyin kala duwan,” ayuu yidhi Trump.
Waxaani intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii wata “Tani waa dagaal u dhexeeyadambiilayaasha Axmaqiinta ah ee raadinaya inay tirtiraan nolosha aadanaha, iyo dadka wanaagsan ee ka soo kala jeeda diimaha kala duwan ee u baahan in la ilaaliyo”.
Haddaba waxaa faallo ka diyaarisay booqashada Madaxweynaha Maraykanka idaacadda VOA laanteeda afk-Soomaaliga oo wax ka waydiisay siday u arkaan falanqeeyeyaal Somalimaraykan.
Waxaanan halkan idiinku soo gudbinaynaa Faaqidaadii ay ka diyaarisay idaacadda VOA-da Laanteeda afka Somaligu
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland