Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Dowladda dalka shiinaha ayaa la sheegay in ay dishay 18 qof oo basaasiin u ah dalka Maraykanka. oo u shaqeynaya hey’adda mukhaabaraadka dalka Mareykanka ee CIA-da, qaar kalena ay xabsiga dhigtay, taasoo lagu tilmaamay inay tahay xad-gudubkii ugu xumaa ee soo mara laamaha sirdoonka ee dalka Mareykanka muddo sannado ah.
Wargeyska The New York Times waxaa uu kusoo warramay in mid ka mid ah dadkii u basaasayay Mareykanka lagu hor dilay asxaabtiisa, taasoo niyad jabisay kuwii kale inay u sii shaqeyaan CIA-da.
Dilalka loo gesyto basaasiinta Mareykanka laga soo bilaabo sannadkii 2010 illaa iyo 2012-kii ayaa lagu qiyaasay inay gaadheyso ku dhawaad 20.
Khuburo haatan u shaqeeya hey’adda CIA-da iyo kuwo hore uga soo shaqeeyay ayaa waxay rumaysanyihiin in dowladda Shiinuhu ay u dhacday amaba ay jabsatay qaabkii ay ku wada xidhiidhayeen madaxda hey’adda CIA-da iyo basaasiinta, halka qaar kalena ay aaminsanyihiin in mid kamid ah ragaasi uu fashiliyay qorshaha basaasnimada.
Madaxda CIA-du. way ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrinkani.dilalka loogu gaystay basaasiinta xubnaha ka ahaa hay.addooda ee lagu dilay dalka Shiinaha.
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland