Madaxweynihi Hore ee Soomaaliya oo ka Hadlay Mooshin ka Dhan ah Madaxweyne Farmaajo

0
319

Muqdisho(Xogsoormedia.com):- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka ka sii maqan muddo kooban,ayaa ka hadlay mooshin ka dhan ah Madaxweynaha cusub ee isaga bedelay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa sheegay in mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya in ay xaq u leeyihiin in ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah isla markaana ay mooshin ka keeni karaan Madaxweynaha iyo cid kastaba.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in loo baahan yahay in ay shaqo wanaagsan umadda u qabtaan oo aanay wakhti badan ku lumin jid hore loo maray oo lagu qasaaray sida uu sheegayna waxaa uu eedeeyay cid aanu  magacaabin oo uu ku duray in ay Soomaaliya dhibaato ku yihiin oo ay qalalaase iyo deggenaan la,aan dalka Soomaaliya ka wadaan.

Haddaba halkan ka dhegayso hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.