Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada oo Beeniyay In Wefti Wasiirka Tacliintu Hoggaaminayo Puntland iska Hortaagtay Gobolka Badhan “Waxaa loo baahan yahay in warbaahintu aanay noqon halka been abuurka laga faafiyo.”

0
273

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Abwaan Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan,ayaa waxba kama jiraan  ku sheegay isla markaana beeniyay in Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo  Tacliinta Sare ee Somaliland oo ay ka mid yihiin madax sare oo ka mid ah isla Wasaaradda Tacliinta oo socdaal shaqo ku maraya gobolka Sanaan in la iska hor taagay in ay galaan magaalada Badhan ee Xarunta Gobolka Badhan.

Wararkaas oo xalay lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta olnie-ka ah iyo baraha bulshadu ay ku xidhiidho.

 

Afhayeenka wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta sare abwaan Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan,waxaa kale oo uu sheegay in weftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland in ay socdaal shaqo ku marayaan gobolka Sanaag isla markaana ay si wanaagsan ugu socoto shaqada socdaalkooda la xidhiidha isla markaana ay hadda ku sugan yihiin degmada Godmo Biyo Cas ee gobolka Sanaag.

Waxaanu intaa ku daray Afhayeenku in gobolka Badhan uu ka mid yahay gobolada Somaliland isla markaana mar kasta oo weftiga Wasiirku uu hoggaaminayo imika ama xille kaleba ay tegi karaan isla markaana aanay jirin cid  iska hor taagi kartaa.

Waxaanu warbaahinta uga digay faafinta wararka aan xaqiiqada ahayn ee been abuurka ah isla markaana loo baahan yahay in warbaahintu ay masuuliayeeda gudato oo ay ka fogaato tebinta wararka been abuurka ah ee xaqiiqada ka fog ,kuwaasoo keeni kara dhibaatooyin.

War-saxaafadeed Afhayeen Cabdilaahi uu ka soo saaray magaalada Hargeysa oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Xogsoormedia.com,ayaa u dhignaa sidan.“Waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo warar la xidhiidha safarka wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane(Cabdilaahi Dheere) oo ay ka mid yihiin agaasimaha waaxda waxbarashada gaarka ah Muuse Maxamed Shide, Agaasimaha waaxda kormeerka guud Xasan Cabdilaahi Rooble(Xasan Qaxar), Guddoomiyaha Xafiiska imtixaanaadka qaranka Daa,uud Axmed Faarax  iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda  waxbarashada kuna sugan gobolka Sanaag oo ay hawl shaqo u joogaan. Waxaanan caddaynayaa in wararka sheegaya in weftiga Wasiirku hoggaaminayo  in Puntland iska hor taagtay in ay galaan magaalada Badhan ee Xarunta Gobolka Badhan in aanay waxba ka jirin oo ay tahay been abuur cad oo la iska yidhi waxaanan u soo jeedinayaa Warbaahintu in ay yeelato Masuuliyad oo warkasta oo ay maqlaan in aanay qorin illaa ay xaqiiqadiisa helaan,waxaana loo baahan yahay in warbaahintu aanay noqon halka been abuurka laga faafiyo.”

 

Afhayeen Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Wasiirka waxbarashada iyo weftigiisu waxay hadda ku sugan yihiin degmada Godmo Biyo Cas oo ka tirsan gobolka Sanaag, halkaas ayaanu hadda hawl shaqo u joogaa, haba yaraatee gobolka Badhan lagama hor istaagin, mana jirto meel gobolkaas lagaga hor joogsaday  wasiirka iyo weftigiisu, gobolka Badhan  waa Somaliland wakhtigii uu doonana wasiirku wuu  tegi karaa.”

Xogsoormedia.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland