Muqdisho(Xogsoormedia.com):- Markab ka shiraaqday dalka Soomaaliya oo siday shixnad dhuxul ah oo aad u badan,ayaa lagu qabtay badda dalka Kuwait ka dib markii ay baadhitaan ku sameeyeen ciidammo caalami ah oo ku sugan badda dalka Kuwait.
Dalka Kuwait,ayay mamnuuc ka tahay dhuxushu isla markaana Markabka Soomaaliya ka tegay ee siday dhuxusha ayaa la sheegay in la doonayay in si qarsoodi ah looga dejiyo dekedaha dalka Kuwait isla markaana lagu iibiyo lacag aad u badan.
Markabka ayaa la sheegay inuu siday caddad badan oo dhuxusha laga keeno dalka Somaliya, taasoo mamnuuc ka ah in la soo geliya dalkaasi.
Warbixin ay soo saareen ciidamadaasi ayaa lagu sheegay in markabkan lagu qabtay biyaha wadanka Kuwait sida ay faafisay Wakaaladda wararka Kuwait ee KUNA.
Warbixinta ciidamada huwanta laguma sheegin magaca markabka, Halka uu ka soo shiraacday iyo inta tan ee dhuxul ah ee uu siday, waana markii u horaysay ee Markab dhuxul sida lagu qabto xeebaha badda carbeed.
Qaramada Midoobay ayaa horay u mamnuucday ganacsiga dhuxusha laga gubo dhirto iyagoo loo aanaynayo inay tahay ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan ee Kooxda Al-shabaab, hase yeeshee weli waa socdaa dhoofinta iyo ganacsiga dhuxusha ee loo iibgeeyo dalalka carabta qaarkood.
Xogsoormedia.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland
Like this:
Like Loading...
Related